Jeremie Frimpong oo ka hadlay ciyaarista uu la ciyaarayo Mohamed Salah: ‘Sharaf ayay ii tahay in aan garoonka la galo ciyaaryahan heer caalami ah’.
Daafaca cusub ee Liverpool, Jeremie Frimpong, ayaa muujiyay farxaddiisa ku aaddan in uu la ciyaari doono xiddiga reer Masar Mohamed Salah.
Frimpong wuxuu yiri:
“Markaad tahay ciyaaryahan kubadda cagta ah oo aad la ciyaareyso ciyaartooy heer caalami ah, waa dareen cajiib ah. Waa sharaf. Inaa garoon la gasho Mo Salah waa riyo’…
“Tani waa nasiib,waayo waxaan ka garab ciyaarayaa laacibka horyaalka ingiriiska. Waan sugi la’ahay in aan la midoobo. Dhabtii, si fiican ayaan u wada shaqeyn doonaa.”
Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkan (2024/25) dhaliyay 34 gool isla markaana bixiyay 23 caawin dhammaan tartamada.