France Football Oo Shaacisay Taariikhda La Soo Bandhigayo Magacyada Xiddigaha U Tartamaya Ballon d’Or 2025

France Football, oo ah hay’adda qabanqaabisa abaalmarinta shakhsiga ee ugu weyn kubadda cagta – Ballon d’Or – ayaa si rasmi ah u shaacisay taariikhda la soo bandhigi doono liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta sannadkan 2025.

Qoraal lagu baahiyay barta rasmiga ah ee France Football ee X (Twitter) ayaa lagu sheegay in liiska musharaxiinta Ballon d’Or la shaacin doono 7-da August.

Sida caadiga ah, liiska hordhaca ah wuxuu ka koobnaan doonaa 30 ciyaaryahan, kuwaas oo laga soo xulan doono hal guuleyste oo la magacaabi doono 22-ka September.

Sanadkii hore, xiddiga Manchester City, Rodri, ayaa ku guuleystay Ballon d’Or isagoo ka hor maray weeraryahanka Real Madrid, Vinicius Jr.

Si kastaba, Rodri ayaa laga yaabaa inuusan xitaa soo geli doonin 30-ka musharrax ee sanadkan sababo la xiriira dhaawac muddo dheer ah oo ka hor istaagay inuu ciyaaro inta badan xilli ciyaareedka.

Kooxaha PSG iyo Barcelona ayaa la filayaa inay ku badan doonaan liiska sanadkan, kaddib markii ay xilli ciyaareedkan muujiyeen awood dheeri ah oo Yurub iyo gudaha horyaalkooda ah.

PSG ayaa qaaday Champions League iyo koobab kale.

Barcelona-na waxay ku guuleysatay saddexley: La Liga, Copa del Rey, iyo Supercopa de España.

Magacyada la filayo inay liiska galaan waxaa ka mid ah:

Ousmane Dembélé, Lamine Yamal, Raphinha, Mohamed Salah, Kylian Mbappé, iyo Robert Lewandowski.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football