Florian Wirtz ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahan Liverpool ah, iyadoo wadahadallada u dhexeeya Reds iyo Bayer Leverkusen ay socdaan.
Laacibka khadka dhexe ee ay isku kooxda yihiin, Aleix Garcia, ayaa si maldahan u muujiyay halka uu ku socdo Wirtz, isagoo xusay inuu si fiican uga dhex muuqan karo horyaalka Premier League.
“Dabcan, waxaa fiican ineysan naga hor imaan iyagoo u ciyaaraya kooxo kale. Tah wuuka tegay Bayern, haddii Wirtz isna baxo, waxay noqonayaan kuwo aan la joojin karin,” ayuu yiri Garcia.
“Waxaan aaminsanahay inuu England tegayo, wuxuuna halkaas ka sameyn doonaa farqi muuqda. Waxaan u rajeynayaa nasiib wacan, maxaa yeelay marka laga soo tago inuu xiddig yahay, waa qof aad u wanaagsan.”
Wirtz ayaa sidoo kale horay u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Leverkusen, iyadoo warar hoose ay sheegayaan inuu si gaar ah u doorbidayo Liverpool, taasoo u muuqata meel uu ku toosinayo mustaqbalkiisa.