Florian Wirtz Oo Ugu Dambeyn Caddeeyay Sababta Ka Dambeysa Inuu Liverpool Ku Biiro

Xiddiga cusub ee Liverpool Florian Wirtz ayaa shaaca ka qaaday in horumarkiisa shaqsiyadeed uu door weyn ka ciyaaray go’aankiisa uu ugu biiray kooxda Reds.

Wirtz, oo kasoo tagay Bayer Leverkusen kadib shan sano iyo badh oo uu ka mid ahaa laf-dhabarta kooxda, waxa uu sheegay inuu u arko Liverpool meel uu si buuxda uga kori karo jidh ahaan iyo farsamo ahaan.

Wirtz ayaa yiri:

“Haa, tani waxay ahayd qodob weyn oo door ka ciyaaray sababaha aan u doortay Liverpool. Waxaan rabaa inaan ka sii fiicnaado heerkeyga shaqsiyadeed iyo midka jidheedba.”

Wuxuu intaas ku daray: “Qof walba wuu ogyahay in ciyaartoyda Liverpool ay yihiin mashiinno – aad u xoogan oo jidhkooda aad u dhisan. Laakiin aniga ahaan waxaan taas u arkaa fursad aan ku horumari karo. Marka, waxaan dareemay in tani tahay meesha saxda ah ee aan kusii kori karo.”

Wirtz wuxuu Liverpool kusoo biiray isagoo leh rikoor cajiib ah oo ah 197 kulan, 57 gool iyo 64 caawin uu u sameeyay Leverkusen. Qandaraaskiisa cusub wuxuu furayaa cutub cusub oo mustaqbalkiisa ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football