Florian Wirtz Oo Si Cad U Shaaciyay Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Uga Tagay Leverkusen!

Florian Wirtz ayaa si furan uga hadlay sababta uu ugu biiray kooxda Liverpool kadib wareysi uu siiyay mareegta rasmiga ah ee kooxda, isagoo caddeeyay in uu haystay fursado kale xagaagan – oo ay ku jirto sii joogista kooxda Bayer Leverkusen.

Maxay tahay sababta aad u dooratay Liverpool?

Wirtz ayaa ku jawaabay:

“Waxaan dareemay in xilligan uu yahay waqtigii saxda ahaa ee aan talaabo xigta u qaadi lahaa xirfadeyda, dabcan waxaan rabay inaan ku biiro koox ka mid ah saddexda ugu sarreeya adduunka, anigoo aaminsan in Liverpool ay ka mid tahay.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Runtii waxaan is arkay anigoo gacanta ugu jira dadkii saxda ahaa halkan. Waxaa i qanciyay dadka halkaan jooga, fikirka kooxda iyo wax walba oo ay ii hayaan – dhammaan waxay ahaayeen kuwo heer sare ah.”

“Ugu dambeyn, way sahlanayd in aan xiiso u qaado imaanshaha Liverpool.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football