Florian Wirtz Oo Go’aansaday Inuu Ku Biiro Koox Weyn Oo Premier League Ka Dhisan

Wararka ka imaanaya England ayaa sheegaya in Liverpool ay hal talaabo u jirto saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen, Florian Wirtz.

Inkasta oo uu horey u ogeysiiyay Manchester City iyo Bayern Munich inuu doorbiday Bayern, haddana Wirtz iyo wakiiladiisa ayaa hadda si rasmi ah ugu sheegay maamulka Bayern in uu doorbidayo ku biirista Liverpool, sida uu sheegay suxufiga Sacha Tavolieri.

Wirtz ayaa go’aanka shaqsiyan u gudbiyay maamulka Bayern, taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid sheekada suuqa kala iibsiga. Liverpool ayaa hadda si degdeg ah ugu howlan dhamaystirka heshiiska, iyadoo la filayo in qiimaha kala iibsiga uu gaaro ku dhowaad €150 milyan.

Xilli ciyaareedkan, Florian Wirtz wuxuu dhaliyay 16 gool isla markaana wuxuu sameeyay 14 caawin 44 kulan oo uu u saftay Leverkusen dhammaan tartamada.

Tani waxay noqon kartaa mid ka mid ah saxiixyada ugu waa weyn ee Liverpool sameyso sannadahan dambe.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football