Xiddiga cusub ee Liverpool, Florian Wirtz, ayaa muujiyay hamigiisa weyn kadib ku biiristiisa kooxda, isagoo caddeeyay in ujeedkiisu uusan ahayn madadaalo, balse uu doonayo guulo waaweyn oo joogto ah.
Wirtz oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:
“Ma aanan u imaan halkan si aan kaliya u raaxaysto, waxaan doonayaa inaan heer gaaro oo aan siiyo taageerayaasha wixii ay istaahilaan.”
Waxa uu si gaar ah u xusay sida uu ula dhacay guushii kooxda ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore:
“Way fiicnayd in la arko sida dadku ugu faraxsanaayeen guushaas, waxaan dareemay in si wanaagsan loo muteystay.”
Laacibka reer Jarmal ayaa ballanqaaday dadaal iyo hufnaan:
“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inaan ku guuleysto wax walba sanad kasta! Marka hore waa inaan shaqadeena si fiican u qabanaa. Ujeedkayagu waa inaan mar kale ku guuleysano horyaalka Premier League oo aan gaarno meel sare oo Champions League ah.”
Wirtz, oo si weyn looga filayo Anfield, ayaa la rajeynaya inuu noqdo laf dhabarta qorshaha cusub ee tababare Arne Slot.