FIFA ayaa shaaca ka qaaday shan waxyaabood oo casri ah oo lagu tijaabin doono Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay boggooda rasmiga ah 7-da Juun 2025.
Horumaradan teknolojiyadeed ayaa kala ah:
1. Kaamirooyin ku lammaanan jirka garsoorka – Garsoorayaashu waxay xiran doonaan kaamirooyin kuwaas oo muuqaal toos ah laga sii dayn doono kulamada si daawadayaashu u arkaan waxa uu ku saleysan yahay go’aanka dhabta ah ee Garsooraha.
2. Muuqaalka VAR oo ka muuqan doona shaashadaha garoomada – Markii ugu horreysay, go’aamada VAR ayaa si toos ah loogala socon doonaa gudaha garoonka.
3. Tiknoolajiyada offside-ka ee otomaatiga ah – Waxaa la adeegsan doonaa nidaam casri ah oo offside ah oo la shaqeynaya dareeme gudaha kubbadda ku jira.
4. Xog ururin waqtiga-dhabta ah iyadoo la adeegsanayo AI – FIFA iyo shirkadda Hawk-Eye ayaa adeegsan doona sirdoonka macmalka ah si xogta kulamada loo helo isla waqtiga ay socdaan.
5. Isbedelka ciyaartoyda oo lagu gudbin doono kiniini dijitaal ah – Kooxaha waxay codsiyada beddelka ciyaartoyda u diri doonaan garsoorayaasha iyagoo adeegsanaya tablets halkii ay ka isticmaali lahaayeen warqado.
Xoghayaha guud ee FIFA, Mattias Grafstrom, ayaa yiri: “FIFA mar walba waxay hormuud u ahayd tijaabinta teknoolojiyada cusub ee tartamada caalamiga ah. Koobka Adduunka ee Naadiyada waa madal ku habboon in la muujiyo horumarkan casriga ah.”
Tartankan oo ka dhici doona Mareykanka inta u dhaxeysa 15-ka Juun ilaa 13-ka Luulyo 2025 ayaa markii ugu horreysay martigelin doona 32 kooxood.