Fifa Oo Ganaax Culus Saartay Jackson Kadib Casaankii Ciyaartii Flamengo

Weeraryahanka Chelsea, Nicolas Jackson, ayaa la saaray ganaax labo kulan ah oo ka imid FIFA kaddib kaarkii casaa ee uu qaatay intii lagu jiray kulankii Flamengo tartanka Club World Cup, sida uu qoray weriyaha Daily Mail, Kieran Gill.

Go’aanka anshaxa ayaa ah mid kama dambeys ah mana laga caban karo. Sidaas darteed, Nicolas Jackson wuxuu seegi doonaa kulanka caawa ee Chelsea ay la ciyaarayso ES Tunis oo ka dhacaya Philadelphia, iyo sidoo kale kulanka wareegga 16-ka ee Sabtida haddii ay Chelsea gudubto, iyadoo la ciyaari doonta Bayern ama Benfica.

Jackson ayaa la keenay garoonka daqiiqaddii 64-aad iyadoo Chelsea 2-1 lagu hoggaaminayay, inkastoo ay hogaanka hayeen qeybta hore ciyaarta oo ay 1-0 ku hoggaaminayeen. Si kastaba, dhowr daqiiqo kaddib soo gelitaankiisa, weeraryahanka reer Senegal ayaa si toos ah u qaatay kaar cas kaddib qalad aad u xun, taasoo Chelsea ku qasabtay inay ciyaarta ku dhameystaan toban ciyaaryahan.

Flamengo ayaa sii difaacatay guusheeda markii ay dhaliyeen goolkii saddexaad, taasoo meesha ka saartay rajadii Chelsea ay ka laheyd inay u gudbaan wareegyada xiga.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football