Fifa Oo Arrin Layaab Leh Kusoo Kordhisay Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha Si Looga Hortago Fashilka Tartanka

Sida uu sheegay Daily Mail, FIFA ayaa bilaabaysa inay meelaha taageerayaashu fadhiyaan ku wareejiso gudaha garoomada Club World Cup-ka, si ay u hubiyaan in taageerayaashu ay ka soo muuqdaan dhanka kaamirooyinka telefishinka.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay isku day uu qabanqaabiyaha tartanku ku yareynayo muuqaalka garoomada ee mararka qaar u ekaanaya kuwo madhan, xilli ay jiraan warbixino sheegaya iibka tigidhada inuu liito.

Qaar ka mid ah taageerayaashii horey u iibsaday tigidhada tartanka ayaa durba lala socodsiiyay in kuraastoodii la beddelay, inkastoo ay FIFA ku adkeysatay in cidna aan lagu wareejin kursi ka hooseeya fasalka ay tigidhka ku iibsadeen.

Tusaale ahaan, ciyaarta furitaanka Club World Cup ee dhex mari doonta Inter Miami iyo Al Ahly, qiimaha tigidhada hadda waa kaliya $20. Balse bishii Diseembar, tigidhada ugu jaban waxay gaareen ilaa $349, taasoo muujinaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha iyo xiisaha tartanka.

FIFA waxay rajeynaysaa in tallaabadan ay sare u qaaddo sawirka guud ee tartanka marka laga daawanayo telefishinka, inkastoo dad badan ay su’aal ka keenayaan saameynta arrintan ku yeelan karto khibradda taageerayaasha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football