Ferguson Oo Saaxiibadiisa U Sheegay Walaaca Uu Ka Qabay Mourinho, Qaladka Ay Kooxdisii Hore Ku Laheyd Dib Usoo Celinta Pogba & Xusuuta Buugiisa The Leading Oo Cadeynaya Wax Walba.

Tababarahii hore Man United Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan in kooxdisii hore ay dhibaato lugaheeda ku raadsatay markii ay garoonka Old Trafford dib ugu soo celiyeen kana dhigeen xiddigooda ugu qaalisan taariikhda Paul Pogba.

Red Devils ayaa kaliya guul gaartay afar ciyaarood dhamaan tartamada oo dhan fasal ciyaareedkaan isla markaana waxey ciyaareen 9-kulan taasoo ka dhigan ineysan dhibcahii ay u baahnaayeen helin, waxaana sidoo kale jira isku dhac u dhaxeeya Jose Mourinho, Paul Pogba iyo Ed Woodward.

Ferguson ayaa kusoo laabtay Old Trafford markii ugu horreysay tan iyo markii uu koomada u galay xanuun kasoo wajahay maskaxda, wuxuuna daawaday kulankii ay kooxdiisii hore 1-1 la dhaafi weysay dhigeeda Wolves.

Halyeeyga reer Scotland waxey isku dhaceen wakiilka Pogba (Mino Riola), intii uu hayay maamulka Red Devils, wuxuuna ku eedeeyay xiddiga khadka dhexe inuusan wax xushmad ah u muujin markii uu aadayay kooxda Juventus.

Sida lagu qoray Mirror Football Ferguson wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisii hore ay is toogatay markii ay wadahadal ay dib uga soo celinayaan Turin xiddiga reer France la bilaabeen wakiilkiisa Mino Riola, sidoo kale Fargie hal mid ayuu ka cabsi qabay oo uu saaxiibadiisa la wadaagay waxeyna aheyd inuu aad uga walwalsan yahay in Jose Mourinho uu hadalada (aan fiicneyn) ee kooxda meelaha fagaaraha ah lasoo istaago.

Ferguson wuxuu sanadkii 2015 soo bandhigay buugiisa LEADING wuxuuna kaga hadlay laba wakiil oo uusan jecleyn inuu la shaqeeyo wuxuuna ku xusay mid ka mid ah (Mino Riola).

“Waxaa jira laba wakiil oo kubadda cagta ku lug leh, kuwaas oo aan si fudud u jecleyn waxaana ka mid ah wakiilka (Paul Pogba) ee Mino Riola” taasna waxey muujineysaa sababta uusan Ferguson u jecleen inuu waligiis dib ugu soo celiyo Pogba kooxda Man United.

Dib ugu soo laabashadii Paul Pogba ee Red Devils qof walba wuxuu u arkayay in Alex Ferguson uu galay qaladkii ugu weynaa noloshiisa maadaama uusan fursad siinin xiddiga reer France kaas oo isku muujiyay waqigiisa Juventus, laakiin hadda ayey qof walba dareemeysaa sababta uu Fargie ugu saxnaa inuusan dib ugu soo celin xiddigaan garoonka Old Trafford.

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Kkkkk ar mourinho waa la yaabay ninkaan halaha uu kuu qabto waa uu kaa goynayaa wali wax baa idiin dhiman haduu ciyaara Lee la dagaalayo ganaax Lacageed oo Fara badan ayaa idiin dhiman yaa is gaaray meel kastana fowdo iyo qas ayuu la joogaa lkn waa fantastic.

  2. Mourinho Chelsea iska soceyrisy iyo Real Madrid waa diktator Mourinho lacibinta wu iskudiray iska ceyriya Pogba haku mashqulina Pogba walacib maclin mesha kumahysan Man United difac maciyrato wa koox werar ah maclinkane wa nin dafaca kutaqasusy

  3. Firgi waa ku Saxna inusan soo Celinin pogba sababto ah waa laacib saxafaded waana labunbuniya inta badan

Comments are closed.