Kabtanka xulka qaranka Faransiiska, Kylian Mbappé, ayaa sheegay in guushii PSG ee Champions League aysan wax saameyn ah ku yeelan isaga, inkasta oo uu la kulmay dhaleeceyn xooggan kadib markii uu xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid uu ku dhammeystay isagoo seegay koobabka waaweyn ee qaaradda.
Mbappé ayaa wajahaya eedeyn ah inuu xilli ciyaareed madhan (blank season) ku qaatay Santiago Bernabéu, iyadoo kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ay markii ugu horreysay ku guuleysatay Champions League.
Laakiin, ka hor ciyaarta kaalinta saddexaad ee UEFA Nations League ee Axaddii, Mbappé ayaa u jawaabay suxufi is-barbar dhig ku sameeyey PSG iyo Real Madrid.
Wuxuu yiri, sida laga soo xigtay RMC Sport: “Xilli ciyaareed madhan? Ma hubtaa? Waa maxay xilli ciyaareed madhan? Ma daawataa ciyaaraha? Waxaan qaaday labo koob.”
“Waa muhiim in la fahmo micnaha erayada. Waan seegnay koobab muhiim ah, laakiin sanadkan wuxuu ahaa mid qiimo leh.”
Mbappé ayaa intaas ku daray: “PSG waxay ku guuleysteen Champions League aniga la’aantay, taas wax saameyn ah iguma yeelan.Anigaba waxaan ku guuleystay labo koob.”
Xiddigan reer France ayaa sanadkan ku guuleystay abaalmarinta Golden Boot ee Yurub, sidoo kale wuxuu qaaday abaalmarinta Pichichi oo ah gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Spain (La Liga).
Labada koob ee uu xusay Mbappé inuu Real Madrid la qaaday waa:
UEFA Super Cup
FIFA Intercontinental Cup