FADEEXADDA BALLON D’OR: Wariye La Sheegay Inuu Wax Ka Codeeyay Ballon d’Or Oo La Ogaaday In Laga Been Abuurtay.

Hanaankii loo codeeyay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la fahamsan yahay inuu daba socdo musuq badan oo lagu sameeyay qaar ka mid ah codadkii ay bixiyeen wariyayaasha wadamada aadka u hooseeya maqaam ahaan iyadoo qaarkood laga been abuurtay.

Waxaa lasoo warinayaa in laga been abuurta mid ka mid ah wariyayaashii kusoo baxay liiska ay daabacday majaladda France Football Magazine, Abdou Boina oo la sheegay inuu u matalay codeynta wadanka Comoras ayaa laga warbixiyay in codkiisa uu yahay mid la abuurtay.

Sida sawirka ku cad wuxuu codkiisa siiyay Kylian Mbappe, ModricCristiano RonaldoEden Hazard iyo Mohamed Salah, balse waxaa la ogaaday website-ka ay sheegeen inuu tixraac u leeyahay in la xiray sanadkii 2012.

Sida lagu daabacay wargeyska Al-watman ee dalkaas laga leeyahay – ma jiro qof lagu magacaabo Boina, xogta sidoo kale waxaa lagu sheegay in website-ka tixraac ahaanta loogu qoray la xiray sanadkii 2012.

“Waxaan ku fakaray iney tahay khiyaali markaan akhriyay in Albalad Comores uu wali jiro” ayuu yiri Toiminou Abdou oo ah wariye u dhashay wadankaas.

“Shabakadda waxaa la xiray lix sano ka hor, mana jiro wariye lagu magacaabo Abdou Boina oo halkaan joogo”

“Waxaan heysanaa laba wariye oo dhanka ciyaaraha ah Abdoul Youssoufqaabilsan qeybta luqada French iyo Sharif Ousseine oo qaabilsan qeybta luqadda carabiga”

Stepahne Ahamadi oo ah madaxweynaha ururka saxifiyiinta ciyaaraha ee Comoras ayaa ka hadlay arrinta: “Ma jiro qof lagu magacaabo Abdou Boina oo diiwaanka noogu qoran”

“Waxaan u fahmay qalad ka yimid France Football hadii wariyaha ka tirsan yahay shabakad gaar ah, balse shaqsigaas maahan mid jira”

Dhanka kale waxaa jiray dood soo laabatay oo isbuucii hore la hadal hayay taasoo aheyd in laga been abuurtay wariyaha reer Trinidad and Tobago [Lasana Liburd] kaas oo sheegay in codadka uu doortay si qaldan loola macaamilay.