Suxufiga caanka ah ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa si kalsooni leh u sheegay in xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, uu sanadkan ku guuleysan doono abaalmarinta Ballon d’Or.
“Lamine Yamal miyuu ku guuleysan doonaa Ballon d’Or? Waxaan aaminsanahay haa, haa, sidoo kale markaan la hadlayo saaxiibaday suxufiyiinta,” ayuu Romano ku sheegay wareysi uu bixiyay.
Romano wuxuu sii raaciyay: “Lamine wuxuu leeyahay mucjiso aan cid kale lahayn.”
Lamine Yamal ayaa si cajiib ah ugu ciyaaray Barcelona xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoo dhaliyay goolal muhiim ah iyo inuu ka caawiyay kooxdiisa inay ku guuleysato saddex koob.
Gaar ahaan, laacibkan garabka ka ciyaara ayaa loo arkaa musharaxa ugu cadcad Ballon d’Or, ma aha oo keliya goolashiisa iyo caawinta uu sameeyay, balse sidoo kale xirfadiisa, kartidiisa kubadeed iyo sida uu garoonka ugu raaxeysto.
Romano, oo badanaa horay u sii ogaada cida ku guuleysaneysa Ballon d’Or ka hor maalinta rasmiga ah, ayaa hadalkiisa laga dareemi karaa in loo qaadan karo si dhab ah marka Lamine Yamal lagu dhawaaqo.