Fabrizio Romano” Gyökeres Ma Uusan Diidin United Ee Waxa Uu………….”

Suxufiga caanka ah ee arrimaha suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda weeraryahanka Sporting CP, Viktor Gyokeres, iyo loollanka u dhexeeya Manchester United iyo Arsenal ee ku aaddan saxiixiisa.

Romano oo ka hadlayay muuqaalkiisa maalin laha ah ee uu soo dhigo YouTube, ayaa sheegay in wararkii hore ee sheegayay in Gyokeres uu diiday Manchester United aysan si buuxda sax u ahayn.

“Fariinta ka imaaneysa dadka ku dhow Man United waxay tahay in, inkastoo ay si joogto ah ula xiriirayeen Gyokeres, haddana uu ciyaaryahanku u muuqdo mid mudnaan siinaya Arsenal,” ayuu Romano yiri.

“Waxey ila tahay, inuusan oran waan diiday United – balse inta Arsenal ay tartanka ku jirto, isagu waxa uu doorbidayaa iyaga.”

Warbixinta Romano ayaa muujineysa in Manchester United aysan weli gebi ahaanba ka quusan saxiixa Gyokeres, gaar ahaan haddii Arsenal ay doorato inay dhamaystirto heshiis kale – gaar ahaan kan Benjamin Sesko oo sidoo kale ah bartilmaameed ay xiiseynayaan.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football