Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa faallo ka bixiyay go’aankii uu ku beddelay Malo Gusto intii lagu jiray nasashadii ciyaartii kama dambaysta ahayd ee UEFA Conference League, isagoo ciyaarta soo geliyay Reece James.
“Malo, si daacad ah ayaan u leeyahay, waa mid ka mid ah ciyaartoyda aan aadka u jecelahay,” ayuu Maresca yiri.
“Laakiin dhibku wuxuu ahaa in goolkii koowaad ee nalaga dhaliyay uu ka yimid baas uu bixiyay isaga. Waa ciyaartoy da’ yar. Ma fahamsana in marka ay khalad sameeyaan, aysan wax badan ka dhignayn.”
“Wuxuu fahmayaa khaladkiisa, wuu ogyahay. Aniga ahaan, Malo waa ciyaaryahan heer sare ah.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Maresca uu si weyn ugu kalsoon yahay Gusto, inkasta oo uu qalad sameeyay, islamarkaana uu doonayo inuu ciyaartoydiisa da’da yar baro sida ay ula tacaalaan cadaadiska iyo khaladaadka ciyaarta.