Enzo Maresca Oo Si Cad Albaabka Ugu Furay Kooxaha Xiiseynaya Nkunku

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sheegay in mustaqbalka Christopher Nkunku uu yahay mid aan la hubin, taasoo sii kordhisay mala-awaalka ah in weeraryahanka Faransiiska ah uu ka tagi karo Stamford Bridge inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Manchester United ayaa la sheegayaa inay xiiseynayaan saxiixa Nkunku, kaasoo la dhibtoonayay inuu helo fursad joogto ah tan iyo markii uu Chelsea kaga yimid RB Leipzig, isagoo ku yimid qiimo dhan £52 milyan.

Waxqabadka Nkunku ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu yimid Maresca, iyadoo laga doorbiday weeraryahanka cusub ee £30 milyan lagu soo iibiyay, Liam Delap.

Markii la weydiiyay mustaqbalka Nkunku, Maresca wuxuu yiri:

“Haddii Christo nala joogo, waxaan aaminsannahay inuu na caawin karo xilli ciyaareedkan iyo xilli ciyaareedka xiga. Laakiin… marka suuqa kala iibsiga uu furan yahay, wax walba way dhici karaan – ciyaartoy ayaa imaankara ama tagikara.”

Nkunku ayaa bandhigyo niyad jab leh sameeyay dhawaanahan, waxaana uu muujiyay caro kadib markii fursado yar laga siiyay ciyaartii ugu dambeysay ee wareegga group-yada ee ay Chelsea la ciyaartay ES Tunis.

27-jirkaan ayaa u istaagay inuu tuuro rigooro qeybtii labaad ee ciyaarta, balse waa la baajiyay kadib markii VAR dib u eegis ku sameysay khaladka.

Hadallada Maresca ayaa u muuqda kuwa dhiirrigelin kara kooxaha xiiseynaya Nkunku, iyadoo Manchester United ay u aragto inuu noqon karo xal lagu xoojiyo weerarkooda.

Dhanka kale, weeraryahanka Chelsea ee Nicolas Jackson ayaa seegi doona ciyaarta wareega 16-ka ee ay la ciyaarayaan Benfica, maalinta Sabtida, kadib markii la kordhiyay ganaaxii labada kulan ee uu ku muteystay casaankii uu qaatay kulankii Flamengo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football