Enzo Maresca Oo Kashifay Ciyaaryahanka Uu Ka Aaminsan Yahay Inuu Chelsea Guul Ku Hogaamin Doono Club World Cup-ka

Tababaraha cusub ee Chelsea, Enzo Maresca, ayaa si weyn u amaanay laacibka da’da yar ee Cole Palmer, ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka ee Kooxaha oo sanadkan ka dhacaya Mareykanka.

Maresca ayaa sheegay in Palmer uu leeyahay awood uu wax ku beddelo daqiiqad kasta, isagoo xusay in tartankani uu fursad weyn u yahay laacibkan si uu u muujiyo tayadiisa heer caalami.

Waxa uu yiri:

“Waxaan horey u iri in Cole Palmer uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican, kuwaas oo wax abuuri kara xilli kasta, go’aan qaadan kara, ama fursad aan jirin ka abuuri kara gool.

“Wuxuu ka maqnaa safarkii USA xagaagii hore, sidaas darteed tartankani wuxuu fursad u yahay inuu la qabsado jawiga halkaas iyo inuu isu soo bandhigo taageerayaasha Mareykanka,” ayuu Maresca ku daray.

Chelsea ayaa rajaynaysa in Palmer uu door muhiim ah ka qaato tartanka, kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu lasoo qaatay kooxda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football