Enzo Fernandez ayaa ballan qaaday in ciyaartoyda Chelsea ay si buuxda ugu dadaali doonaan inay ku guuleystaan tartanka Club World Cup ee soo socda.
“Waa tartan aad muhiim u ah [Club World Cup],” ayuu yiri Enzo. “Adduunka oo dhan ayaa daawan doona, waxaana isku dayi doonaa inaan si fiican u ciyaarno intii karaankayaga ah.”
“[Waxaan] dadaal kasta u galeynaa inaan ku guuleysano koobkan, taas oo noqon lahayd guul weyn oo taariikhi ah.”
Sidoo kale, daafaca cusub ee Chelsea, Tosin Adarabioyo, ayaa muujiyay sababta uu ugu faraxsan yahay tartanka.
“Waxaan si gaar ah u rajeynayaa inaan si toos ah ula falgalo taageerayaasha,” ayuu yiri Tosin. “Waan ogahay in ciyaarta kubadda cagta ay si xowli ah uga korayso gudaha Mareykanka. Sidaas darteed, in aan halkaas taageerayaasha hortooda ka ciyaaro waxay noqon doontaa arrin cajiib ah.”