Saadaasha Khabiir Charlie Nicholas Ee Kulamada Premier League Toddobaadkiisa 25-aad, Koox Weyn Oo Uu Guul U Diiday & Aragtidiisa Man City vs Arsenal.

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa toddobaadkan dhiibtay saadaashiisa 10-ka kulan ee laga ciyaari doono horyaalka Premier League isaga oo sii buuxiyay booskii Paul Merson oo isagu aan wax saadaal ah bixin.

Merson ayaa saadaaliyay kulamo badan oo xiiso leh haba ugu horreeyo kulanka ay Manchester City soo dhawayn doonto Arsenal berri oo Axad ah si lamid ah kulanka ay kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool booqanaysa West Ham United.

Ugu horreynba Charlie Nicholas ayaa guul u saadaaliyay kooxda Tottenham oo soo dhawayn doonta dhigeeda Newcastle United, Khabiirkan ayaa qaba in Spurs ay si dirqi ah ku dhaafi doonaan Magpies.

Dhinaca kale, Waxa uu guul siiyay kooxda toddobaadkii dhawayd guuldarrada musiibada ah lasoo kulantay ee Chelsea isaga oo saadaaliyay inay si fudud ku dhaafi doonaan kooxda Huddersfield.

Liverpool oo habeenimada Isniinta booqan doonta West Ham United ayuu sidoo kale guul u rajeeyay Charlie waana natiijo haddii ay rumawdo ay Reds hoggaanka kusii ceshan doonaan.

Kooxda Manchester United ayaa dhibane ku ah aragtida Charlie Nicholas waxaana uu aaminsan yahay inaysan la dhaafi doonin Leicester City oo ay booqan doonaan isaga oo aaminsan in kulankaasi bar-bardhac ku idlaan doono.

Ugu dambayn, Kulanka ugu weyn toddobaadka ee ay Manchester City qaabilayso Arsenal ayaa ah mid Nicholas uu guul weyn oo waliba raaxo leh u saadaaliyay kooxda horyaalka difaacanaysa ee City.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha Charlie Nicholas Oo Dhammaystiran:

Brighton 1-2 Watford

Tottenham 2-1 Newcastle United

Leicester City 1-1 Manchester United

Burnley 1-2 Southampton

Chelsea 3-0 Huddersfield

Crystal Palace 1-2 Fulham

Cardiff City 1-1 Bourenmouth

Everton 1-2 Wolves

Manchester City 3-0 Arsenal

West Ham United 1-2 Liverpool

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*