RIKOODH: Koox La Soo Wareegtay 22 Ciyaaryahan Muddo Labo Saacad Gudaheed Ah

Ma jirin dhaqdhaqaaqyo badna oo suuqa kala iibsiga ah maalintii ugu danbeysay horyaalka Premier League laakiin xaalku sidaasi wuu uga duwanaa kooxda Turkiga ee Elazigspor.

Kooxda heerka labaad ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd suuqa kala iibsiga laakiin waxa ay heshiis la gaareen xiriirka kubada cagta Turkiga taasoo keentay inay si waali ah saxiixyo u sameeyaan inkastoo aysan xitaa heysan tababare joogta ah.

Muddo labo saacadood gudaheed ah waxa ay kula soo wareegeen 22 ciyaaryahan taasoo rikoor caalami ah noqoneysa, 12 ka mid ah waxa ay kula soo wareegeen heshiis joogta ah halka 10ka kale ay amaah ku joogayaan kooxda ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa ay koox dhameystiran ku soo iibsadeen waqtiga ay qaadato in lagu ciyaarayo kubad 90 daqiiqo ah iyo waqtiga dheeriga.

Madaama aysan waqti u helin inay saxiixyadooda cusub si hal abuurleh u soo bandhigaan kooxda Elazigspor waxa ay si sahlan ugu shaacineysa barteeda bulshada.

Selcuk Ozturk oo ah madaxweynihii hore ee kooxda ayaa ku faraxsanaa shaqada ay kooxdu qabatay mudada kooban.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qof walba oo kooxda jooga oo ka qeyb qaatay howshaan” ayuu u sheegay ESPN.

“Waxaan si joogta ah wadahadal kula jirnay xiriirka kubada cagta Turkiga oo la xiriirta xayiraadii naga saarneyd suuqa kala iibsiga.

“Markii xayiraada nalaga qaaday waxaan ku guuleysanay inaan la xiriirno ciyaartoyda oo aan heshiisyada ku dhameystirno muddo labo saacadood ah.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*