Kulan Haddii Ay Man United Badiso Keeni Doonta In Ole Gunnar Solskjaer Loo Magacaabo Tababaraha Joogtada Ah Ee Kooxda

Man United ayaa ciyaartay sagaal kulan intii uu shaqada tababare hayay Solskjaer, waxaana ay kooxda badisay sideed kulan oo ka mid ah.

Kulamadaas ma aysan aheyn kuwa sahlan iyadoo United ay u martisay Tottenham iyo Arsenal, waxaana ay badiyeen labadaas kulanba.

Mar kaliya ee aysan badinin waa kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Burnley laakiin xitaa kulankaas waxaa loo arki karaa mid uu ku najaxay madaama ay United labo gool oo xilli danbe ah dhalisay si ay u helaan barbaraha.

Solskjaer is currently only interim manager at the club but there have been calls to make his role permanent.

Sida ay qortay jariirada The Sun ciyaartoyda Man United ayaa la yimid fekrad ku saabsan sida uu Solskjaer ku noqon doono macalinka joogtada ah ee kooxda.

Waxay sheegeen in inta badan ciyaartoyda Shayaadiinta Cas Cas iyo shaqaalaha kooxda inay aaminsan yihiin in Solskjaer uu heli doono shaqada joogtada ah haddii ay garaacaan PSG bishaan Febraayo.

Waana howl aad u culus iyadoo Paris Saint-Germain ay ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub.

Laakiin marka la eego sida uu Solskjaer u bedelay United tan iyo markii loo magacaabay tababaraha ku meel gaarka ah, United waxa ay la imaan kartaa natiijo lama filaan ah.

PSG waxaa sidoo kale ka maqnaan doona Neymar taasoo la micno ah in fursada ay United ku heli karto natiijo fiican inay sarre u kacday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*