Kooxaha Premier league ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay hadda door bidaan in ay la soo saxiixdaan ciyaartoy ajaaniib ah halkii ay ka dhiiro galin lahaayeen ciyaartoyda da’yarta ah ee England u dhashay iyada oo waliba la filayo in sharci cusub uu FA-gu dhaqan galin doono marka la dhamaystiro ka bixitaanka UK ee midawoga Yurub.
Laga soo bilaabo markii magaca Premier league la bixiyay sanadkii 1992 kii waxaa si wayn u soo kordhayay ciyaartoyda aan UK u dhalan ee saamaynta wayn ku soo yeeshay horyaalka Ingiiriska laakiin haddii shaxda ugu fiican laga soo xulo ciyaartoyda Premier league ee aan UK u dhalin miyay koox iska celin lahayd?.
Shax laga sameeyay ciyaartoyda waqti xaadirkan ka ciyaarta horyaalka Premier league ee aan England u dhalan oo muuinaysa in ay noqon karto koox cajiib ah oo ay adkaan lahayd in guul laga gaadhi lahaa.
Shaxdan ayaa loo qaabeeyay 3-5-3 oo ah saddex difaac ah, shan khadka dhexe ah iyo waliba saddex weerar ah, ayaase kooxdaada ugu soo baxay shaxdan?. Halkan kaga bogo shaxda kooxda ugu fiican Premier league ee laga sameeyay ciyaartoyda ajaanibta ah.
Min Sergio Aguero, Mohamed Salah ilaa Aubameyang oo ka mid ah ciyaartoyda heerka caalami ee ka ciyaara horyaalka Premeir league ayaa shaxdan ka soo muuqday si la mid ah Roberto Firmino, Alisson Becker ilaa Lucas Torreira.
Shaxda Kooxda Premier Leauge Ugu Fiican Ee Ciyaartoyda Aan England U Dhalan:
Goolhaye: Alisson Becker
Difaaca Dhexe: Davinson Sanchez
Difaaca Dhexe: David Luiz
Difaaca Dhexe: Yerry Mina
Dhexda Midig: Mohamed Salah
Khadka Dhexe: Lucas Torreira
Dhexda Bidix: Sadio Mane
Dhexda Hore: Roberto Firmino
Weerarka Dhexe: Sergio Aguero
Weerarka Dhexe: Pierre-Emerick Aubameyang
Haddii uu tababare shaxdan kooxdan ku haysto Premier league miyay jiri lahayd koox ka dhisan horyaalka Ingiriiska oo shaxdan iska celin kari lahayd? Miyay jiraan ciyaartoy shaxdan u qalmay oo aan ka soo muuqan?
Haa way jiri lahayd koox iska celiso kaas shax ma ahan sxp
Haa way jiri lahayd koox iska celiso kaas shax ma ahan sxp
Waxaa ka maqan Van Dijk
Waxan waa koox jilicsan meeyee xidigihii horyaalka kamuuqday
Alison
Walker Luiz vandij robitson
Pogba kenta Deberyun
Salan kene hazard
4-3-3
de gea
danilo laporte vandij rabedson
de bruyne kante d.silva
B.silva hazard l.sane
shaxdaan aa ku aado