Ka Hor Kulanka Caawa Ee Barcelona Vs Valencia – Waa Sidee Wax Qabadkii Lionel Messi Ee Kulamadii Uu Ka Hor Yimid Valencia?

Barcelona ayaa caawa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Valencia waxayna kooxda Valverde isku dayi doontaa in ay guul gaadho kulankii 9 aad oo xidhiidh ah ee horyaalka La Liga iyada oo soo joogtaysay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ay Camp Nou ku soo ciyaartay iyo waliba guud ahaan kulamadii La Liga ee bilihii ugu danbeeyay.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan door cajiib ah ka soo ciyaaray guulihii Barcelona ee horyaalka La Liga wuxuuna ku soo lug yeeshay 29 gool oo ay Barca ka soo dhalisay horyaalka La Liga waana 19 gool iyo 10 gool caawin uu soo sameeyay.

Laakiin xogta Lionel Messi ee kulamadii uu ka hor yimid kooxda Valencia ayaa muujinaya in uu markale ka hor iman doono mid ka mid ah kooxaha uu ugu jecel yahay in uu ka horyimaado. Messi ayaa si ka duwan ciyaartoyda kale, waxa uu goolasha ugu badan ka soo dhaliyay kooxaha ugu waa wayn Spain.

Kooxda Sevilla oo uu kulankii ugu danbeeyay Messi shabaqa ka soo taabtay ayaa wali ah kooxda uu abid goolasha ugu badan ka soo dhaliyay isaga oo 33 gool kaga soo dhaliyay 36 gool laakiin kooxda Valencia ee uu caawa ka hor imanayo ayaa ah kooxda afraad ee uu Messi goolasha ugu badan ka soo dhaliyay.

Lionel Messi ayaa kooxda Vlaencia ka hor yimid 31 kulan oo rasmi ah wuxuuna ka soo dhaliyay 25 gool wuxuuna sidoo kale soo sameeyay 12 gool caawineed taas oo la micno ah in Messi uu ku soo lug yeeshay 37 gool kadib markii uu 31 kulan ka hor yimid Valencia.

Waxay xogtani la micno tahay in Messi uu kulankiiba celcelis ahaan ku soo lug yeeshay in ka badan hal gool dhamaan kulamadii uu Valencia kaga hor yimid tartamada oo kale, waana xog ay suurtogal tahay in uu sii xordhin karo kulanka caawa ee Camp Nou.

Halkan kaga bogo Kooxaha uu Lionel Messi goolasha ugu badan ka soo dhaliyay:

33 Gool-  Sevilla (36 kulan oo rasmi ah)

28 Gool-  Atletico (37 kulan oo rasmi ah)

26 Gool-  Real Madrid (38 kulan oo rasmi ah)

25 Gool-  Valencia (31 kulan oo rasmi ah)

24Gool- Athletic (34 kulan oo rasmi ah)

23Gool-  Osasuna (19 kulan oo rasmi ah)

23 Gool- Espanyol (32 kulan oo rasmi ah)

3 Comments

  1. Waxjiro mahidiin horyalka talyaniga shaxda rasmiga ah in aaad kafalotan maxaaa kudiden mase aqontina garsisaneeen inta war horyalka talyaniga manta wakatagera badanyahay spain ronaldo ayaaa joga eeee wax iskufala

  2. War waxan waa xool meesha iskugu yimid haday trick of market garanayan views ubadan waxay ka heli lahayeen talyaani cr7 ayaa jooga courses Hadaad uuga baahantihin serie A anaa idin siin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*