Jurgen Klopp Oo Jawaab Ka Bixiyay Qoraalkii Uu Twitter Soo Dhigay Kyle Walker Ee Uu Ku Maadsaday Liverpool

Tababare Jurgen Klopp ayaa ka hadlay qoraalkii uu daafaca Manchester City Kyle Walker soo dhigay Twitter ee uu ku maadsanayay Liverpool ka dib markii ay Liverpool barbaraha 1-1 gashay.

Sida aan hore u daabacnay Klyle Walker ayaa soo qaatay sawirka Harry Maguire oo la hadlayay xaaskiisa ka dib wareegii sideed dhamaadka Koobka Adduunka ee ay England ka badisay Sweden, Maguire waana xiddigii Leicester u barbareeyay Liverpool.

Waxaana Kyle Walker uu sawirkaas soo raaciyay, qoraal uu leeyahay: “Waxay u maleynayeen inay todobo dhibcood hogaanka ku qabanayaan.”

Walker ayaa durbadiiba Twitter ka masaxay qoraalka iyo sawirka ka dib markii uu dhaleeceyn badan la kulmay.

Jurgen Klopp ayaana cambaareeyay Kyle Walker shirkiisii jaraa’id ee shalay isagoo sheegay inaan la ogoleyn in loo dabaaldego in koox kula xafiiltameysa ay dhibco dhumiso.

“Wixii uu yiri anaga waxba ingama dhigeyso laakiin iyaga iyo heerkooda ayay ka hadleysaa” ayuu yiri tababaraha Liverpool.

“Marnaba uma dabaaldegin in koox kale ay dhibco dhumisay ama laga badiyay, lama ogola.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*