Hal Arin Ay Isaga Mid Yihiin Wiilasha Ay Dhaleen Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa waxaa ka dhaxeeya xafiiltanka kubada cagta ah laakiin su’aashu waxa ay tahayxafiiltankaas miyay u gudbin doonaan jiilka soo socda.

Dunida waxa ay u qeybsan tahay seddex qeyb, dhinac ku doodaya in Cristiano Ronaldo uu ugu fiican yahay caalamka, qeyb ku doodeysa in Messi uu yahay xiddiga ugu fiican dunida iyo qeyb oroneysa ‘Miyaynan ku riyaaqi karin labadooba inta ay weli garoomada ku jiraan’.

Laakiin aan halkaas ku dhaafno ka hadalka Ronaldo iyo Messi wax badan ayayna ka soo hadalnay, balse aan ka hadalno wiilashadooda Cristiano Jnr iyo Thiago Messi.

Isbuucii dhaweyd waxaa si weyn baraha bulshada loogu wadaagay muuqaal ka hadlaya kala duwanaanshaha u dhaxeeya labada wiil iyo sida ay aabayaashood u korinayaan.

Laakiin inkastoo uu kala duwanaansho dhexyaalo caruurtaan hadana waxaa jira waxyaabo ay isaga mid yihiin.

Cristiano Ronaldo waxa uu dhashay 5tii bishii Febraayo sannadii 1985 halka Messi uu dhashay 24kii Juun sannadii 1987dii, taasoo la micno ah in labada xiddig ay u dhaxeyso 869 maalmood.

Waxaa cajiib ah in wiilashadooda Cristiano Jnr iyo Thiago Messi inay iyagana u dhaxeysay 869 maalmood.

 

Messi ayaa shaaca ka qaaday isbuucaan in wiilkiisa uu kala kulmo dhaleeceyn marka uu si xun u ciyaaro, osagoo yiri: “Waa ay adag tahay in mar walba la aqbalo guuldarooyinka iyo qaab ciyaareedyada xun, laakiin wiilkeyga Thiago ayaa igu qasba inaan ka hadlo wixii dhacay oo aan sharaxaad ka bixiyo” ayuu Messi u sheegay SPORT.

“Wax walba wuu la socdaa, su’aalo ayuu i weydiiyaa, waxaana uu igu biirayaa fekerkiisa marka aysan xaaladu ii fiicneyn. Durbaba dhowr dhaleeceyn ayaan ka helay.”

Cristiano Jnr waxa uu u dheelaa kooxda da’da yarta Juventus halkaasoo uu wacdarro ka dhigayo sida aabihiis.

Wiilkee ayaa saameyn weyn yeelan doona? Xaafiiltanka xiga halkaan ayuu ka bilaabanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*