DAAWO: Maxaad Ka Ogtahay Saadaashii Mucjisada Lahayd Ee Uu Xavi Hernandez Ku Sii Sheegay In Qatar Ay Qaadayso Koobka Asia? Khabiiradii Ku Qoslayay Oo Yaabay

Inta badan marka ay tartamada waa wayni bilaamayaan ka hor waxaa caado ah in saadaal laga bixiyo iyada oo khabiirada kubbada cagtu ay isku dayaan in ay saadaaliyaan dariiqa ay xulalku u mari karaan finalka iyo waliba xulka koobka ku guulaysanaya iyada oo markaas laga soo min guurinayo qaabka ay guruubyada tartanku u samaysan yihiin.

Haddaba intii aanu furmin tartankii koobka qaarada Asia ee Asia Cup 2019, waxaa saadaal bixiyay khabiiro badan oo kubbada cagta ah laakiin waxaa si layaableh uga soo dhex baxay halyaygii hore ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez kaas oo si cajiib ah ugu guulaystay saadaashii uu bixiyay.

Arinta ugu wayn ee uu Xavi sameeyay ayaa ahayd in uu finalka koobka qaramada Asia uu u saadaaliyay in ay iskugu soo baxayeen Qatar iyo Japan isaga oo markaas saadaaliyay in Qatar ay markii ugu horaysay finalka soo gaadhayso oo ay waliba koobka qaadayso.

Dad badan iyo waliba khabiiro kubbada cagta u nisbo sheegta ayaan ku qanacsanayn isla markaana ku qoslayay saadaashii Xavi Hernandez balse markii shalay galabtii la qabtay finalkii Aisa Cup 2019 waxa uu Xavi helay amaan wayn waxaana wax laga waydiiyay tababaraha xulka qaranka Qatar ee Sanchez kaas oo si taariikhda gashay koobka ugu qaaday xulkiisa Qatar

Dalka Qatar oo marti galin doona koobka aaduunka ee 2022 ayaa wacdaro layaableh ka soo dhigay koobka qaarada Asia ee uu marti galiyay isku taga imaaraadka carabta UEA waxayna ceeb iyo waji gabax ku rideen wadamadii ay siyaasada ku coloobeen ee Saudi Arabia iyo UAE oo ay lugtooda iskaga reebeen.

Laakiin in Qatar ay koobka Asia Cup 2019 ugu guulaysatay ciida UAE waxay markale ahayd guul kale oo ay ku bahdileen xulafadii siyaasada ku go’doomisay ee Saudi Araba hogaaminayay.

Tababaraha xulka qaranka Qatar ee Sanchez ayaa Xavi ku amaanay saadaashii uu bixiyay wuxuuna sheegay in uu hadda waqti dheer joogay dalka Qatar isla markaana uu yahay nin fahmaya kubbada cagta ee awooda heerka kooxaha Asia iyo xulalkooda, taas oo uu ku tilmaamay in Xavi uu saadaashiisa ku saleeyay.

Haddaba halkan ka daawo muuqaal aanu idiinka diyaarinay saadaashii Xavi, Macalinka Qatar oo ka hadlaya iyo waliba goolaashii ay Qatar ku garaaceen Japan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*