Waa Kuma Akram Afif? Wiilka Qatar Kula Guuleystay Koobka Asian Cup Ee Uu Dhalay Xiddigii Hore Qaranka Somalia.

Akram Hassan Afif Yahya Afif waa xirfadle kubadda cagta ah oo heysta dhalashada wadanka Qatar kuna dhashay caasimadda DOHA 18-kii November 1996, waa xiddig ka ciyaara garabka weerarka kaas oo amaah ugu ciyaara kooxda Al Sadd ee uu ka tirsan yahay halyeeyga reer Spain Xavi Hernandez, wuxuuna si rasmi ah uga tirsan yahay kooxda reer Spain ee Villarreal iyo qaranka Qatar.

Waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay xiddigaha soo koraya ee wadanka qatar kuwooda ugu saameynta badan, wuxuuna wacdaro ka dhigay tartankii Asian Cup 2019 ee lagu soo dhameeyay Imaaraadka Carabta 1-da February 2019, bandhigiisana wuxuu noqday mid ay warbaahinta kubadda cagta ka sheekeyso.

NOLOSHIISA GAARKA AH?

Akram waxaa la dhashay walaal lagu magacaabo Ali Afif kaas oo isna ka ciyaara horyaalka Qatar gaar ahaan kooxda Lekhwiya, aabahiis waxaa lagu magacaabaa Hassan Afif Al Yafei  waa shaqsi leh jinsiyad Yamani ah kuna dhashay magaalada Moshi ee wadanka Tanzania.

Aabahiis wuxuu horay ugu soo ciyaaray kooxda Simba ee wadanka Tanzania sidoo kalan wuxuu mar soo xirtay maaliyadda Horseed ka hor inta uusan Qatar aadin isla markaana u ciyaarin Al Ittihad oo markii dambe loo badalay Al Gharafa.

Aabaha wiilkaan Hassan Afif Al Yafei wuxuu xirtay maaliyadda qaranka Soomaaliya dhawr jeer, markii uu ka hawlgabay kubadda cagta wuxuu maamulay Al Gharafa intii u dhaxeysay 1986 ilaa 1987, sidoo kale Al Markhiya intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2003, mar kale 2006 ilaa 2007.

Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Fayza waa haweeney u dhalatay Yemen.

Akram wuxuu bartay luqadda Spanish-ka maadama uu sanadkii 2015 isagoo dhalinyaro ah uu u dhaqaaqay Sevilla, wuxuuna ka baxay Aspire Academy.

HEERKIISA KOOXAHA?

AFIF wuxuu waayahiisa ka bilaabay Al-Markiya kadibna wuxuu aaday Al-Sadd ka hor inta uusan ku biiri Aspire Academy isagoo ah arday maalmaha caadiga ah wax barta 2009. Waqtigiisa Aspire wuxuu u safray Spain si ay arday isku weydaarsadaan barnaamijyo dhanka waxbarashada ah kadibna wuxuu u ciyaaray kooxaha Sevilla iyo Villarreal da’yartooda.

Wuxuu Sevilla matalay koobkii Al Kass International Cup ee la qabtay 2013, laba gool ayuu dhaliyay halna wuu caawiyay kulankiisii ugu horreeyay, waxeyna 3-0 ku dhufteen Aspire Academy.

Kadib wuxuu ku biiray kooxda da’yarta Villarreal.

January 2015, wuxuu u saxiixay Eupen, wuxuu dhaliyay gool kulankiisii ugu horreeyay isagoo ka hortagay Eendracht Aalst 9-kii January, 24-kii January kulankiisii xigay wuxuu caawiyay 3-gool kulan ay kooxdiisa 5-gool ku dhaaftay KRC Mechelen.

AFIF fasalkiisii ugu horreeyay heerka sare kubadda cagta ayuu dhameystay isagoo dhaliyay 2-gool, 9-kulan, 18-kii Maarso 2016 wuxuu dhaliyay laba gool kulan ay 4-0 iyagoo gurigooda jooga uga badiyeen KSV Roeselare..

8-dii May 2016 kooxda Villarreal ayaa xaqiijisay in AFIF uu kusoo biiray, si joogto ah ayuuna ugu yimid, wuxuu noqday xiddigii ugu horreeyay ee ku dhasha Qatar kuna biira horyaalka La Liga taariikhda.

4-tii August, waxaa amaah loogu wareejiyay Sporting Gijon.

AFIF wuxuu markii ugu horreysay kasoo muuqday La Liga 21-kii August 2016, wuxuuna badal kusoo galay kulan ay 2-1 guul ah kooxdiisa ka gaartay Bilbao, wuxuuna badalay Burgui. Kadib 9-kulan oo horyaalka ah wuxuu dib ugu laabtay kooxdiisii hore Eupen oo amaah hal sano ah ku qaadatay 14-kii July 2017.

Nasiib wanaag 2018 wuxuu amaah ugu biiray kooxda Al-Sadd isagoo u ciyaaray 17-kulan oo horyaalka ah una dhaliyay 14-gool.

WAAYAHIISA QARANKA:

AFIF wuxuu kasoo muuqday isreeb-reebka koobka qaramada qaaradda Asia ee 20-jirada sanadkii 2014, intii lagu jiray tartanka weyn wuxuu dhaliyay hal gool oo ay final-kii kaga adkaadeen Kuuriya taasoo Qatarsiisay guusha tartanka.

Waxaa looga yeeray qaranka Qatar ee darajada sare September 2015 iyadoo xulka maamulo Daniel Carreño. Wuxuu gool dhaliyay kulan ay Qatar 15-1 ku dhaaftay Bhutan 3-dii September 2015, sidoo kale intii lagu jiray isreeb-reebka koobka Adduunka 2018 wuxuu sameeyay caawin.

Final-kii ka dhacay Zayed Sports City Stadium ee Abu Dhabi – Imaaraadka carabta wuxuu dhaliyay gool kulan ay 3-1 ku dhaafeen Japan markaas oo ay Qatar noqotay horyaalka qaaradda ASIA.

 

12 Comments

    • Wcs, waad mahadsan tahay Yusuf. Inta aan baarista wadnay waxa kaliya ee inoo soo baxay ayaa ah inuu Xasan Cafiif ku dhashay Tanzania laakiin haddii aad heyso xog dheeraad ah oo cadeyneysa inuu magaalada Kismaayo ku dhashay waad nala wadaagi kartaa

  1. Xasan Afif wuxuu kudhashay Kismaayo Waa soomli-yemani. Asaga iyo Shaash waxaa laga qaatay ciyaarihii gobolada ee xulka kubada cagta ee kismaayo, waxayna ku biireen Horseed Cawa iyo Maalin. Sidoo kale waxaa jirey Ahmed Saqiir, Somali-yemani ayuu ahaa asna laacib wayn ayuu ahaa. Labadoodaba xulka qaranka Soomaalia ayay ka tirsanaayeen. Saciid ducaale oo horsed katirsanaa oo kaliya ayaa kayimid Jabuuti. laakin Cafiff iyo Axmed Saqiir labaduba waxay Ahaayeen Soomaali.

  2. Akram Afif Somali ma ahan sida qoraalkiina ka muuqata waa nin Yemeni ah ama waa Muwalad hadaan si kale u dhiga halkee ayuu somali kasoo galayaa Akram Afiif Aabahiis waa u ciyaari karaa Qaranka sida uu hadaba Akram ugu ciyaaro Qatar isaga oo ah nin Yemeni ah sidaas daraadees Akram ma ahan Somali waa Yemeni

  3. Akram wuxuu Noqday mid magaca soomaaliyeed kor usoo qaadey inkastoo Oo uu haysto dhalasho Qatar ah haddan waa xidig leh xirfad heer-caalami ah Ku darsoo waa mid leh mustaqbal Ifiya Oo muuqda haddii uu dadaalkiisa halkaas kasii wado

  4. Caqliga laydinka qaad cafiif kismayo ku dhashyduun hayaan
    Waar yamani soo haajirey weeyan
    Kismayo kuwa ku dhashay ma iyagaa ri’ iyo lax toona ahaa

    • hhhh sxb anigaba Somali ayn ahay waxaana uciyaaraa naadiga Al nadar boys ee dalka kenya Waxaan rajeynayaa in aan noqdo kaptanka mustaqbalka ee Manchester United iyo xulkeyga somalia insha Allah

  5. Somalida inay waalan yihiin qof waliba wuxuu jecel yahay ayuu meeshan ku qoray hadaba WIKIPEDIA qaybta englishka ee saxda ah ayaa badanaa aga eegaa qofka xogtiisa AKRAM AFIIF is a Qatari footbaler of somali descent DESCENT it means ( KASOO JEEDA ) al yacni jinsiyadiisii hore waa somali midakale qof caan ah markaa tahay oo taariikhdaada lagu qorayo wikipedia lama oranayo hebel hooyadiis waxay tahay ee waxaa laqiimeeyaaa aabaha dhalay jinsiyadiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*