Qoyska Cristiano Ronaldo Oo Ay Geeri Ku Timid Iyo Gacalisadiisa Georgina Rodriguez Oo Dalka Argentina Ku Sugan.

Cristiano Ronaldo iyo qoyskiisa ayay geeri ku timid kadib markii la shaaciyay in uu geeriyooday aabaha dhalay gacalisada Ronaldo ee Georgina Rodriguez, waxayna ku sugan tahay caasimada dalka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Buenos Aires ee dalka Argentina.

Georgina Rodriguez ayaa dalka Argentina u safartay markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 20013 kii waxayna wararku sheegayaan in ay ka qayb gashay geerida ahaabaheed Jorge Eduardo Rodriguez  oo xanuun uu muddo la tacaalayay u geeriyooday isaga oo 70 sano jir ah.

Jorge Eduardo Rodriguez  ayaa laba jeer lagu xukumay danbi ah in uu ka ganacsanayay maandooriyaasha mamnuuca ka ah dalka Spain waxaana hore loogu riday xukun 10 sanadood oo xambsi ah laakiin xanuun uu muddoyinkii ugu danbeeyay la dhibtoonayay ayaa keenay in uu u geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in Jorge Eduardo Rodriguez  uu u geeriyooday xanuunka faaliga (Stroke) kaas oo ku dhacay laba sanadood iyo badh ka hor isla markaana uu muddo la soo tacaalayay xanuunka ugu danbayn galaaftay, waxayna saaxiibada Ronaldo ka qayb gashay geerida qoyskeeda ku timid.

Cristaino Ronaldo iyo Georgina Rodriguez ayaa bishii September 2016 isku dhalay Alana Martina oo noqotay ilmihii ugu horeeyay ee uu Ronaldo yeeshay oo hooyadeed la garanayo inkasta oo ay ahayd ilmihii afraad ee uu aabe u noqday.

Jamaahiirta kubbada cagta gaar ahaan taagerayaasha Cristiano Ronaldo ayaa baraha bulshada ka tacsiyadeeyay gacalisadiisa Georgina Rodriguez iyo walaasheed iyo laakiin shirkada Gestifute oo inta badan ka hadasha arimaha qoyska Ronaldo ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin geeriyda aabaha dhalay Eduardo Rodriguez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*