Qaab Nooceeya Ayuu Cristiano Ronaldo Uga Caawiyay Manchester United Inay Heshiis Cusub Ka Saxeexdaan Anthony Martial? Ole Solskjaer Oo CR7 U Adeegsaday Martial.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa da’yarka kooxdiisa ee Anthony Martial u adeegsaday weeraryahankii hore ee kooxda ee Cristiano Ronaldo si ay heshiis cusub ugu qanciyaan maadaama oo mudo dheer ay qaadatay in la qanciyo.

Martial ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay Man United isaga oo qalinka ku duugay heshii shan sano ah oo uu toddobaadkii ku qaadanayo lacag £175,000 ah.

Martial ayaa u muuqday mid iskaga tagaya Manchester suuqa xagaaga ee soo socda kaddib markii uu noqon waayay dookhii Jose Mourinho laakiin Solskjaer ayaa ku qanciyay inuu heshiis cusub saxeexo isaga oo u sheegay inuu xiddig ka noqon karo kooxda sidii Cristiano.

Ole Gunnar ayaa yidhi isaga oo ka warramaya sida uu Martial u gaadhi karo Ronaldo “Hagaag, Dabcan taasi waxa ay qusaysaa ciyaartoy kasta, Haddii aad go’aan ka gaadho sida aad u horumarinayso xirfadaada”

“Cristiano Ronaldo waxa uu ahaa midka ugu fiican, Habka uu isku badalay haatan waa nooca ciyaartoy ee ay tahay inaad naftaada tusaale uga dhigto waxaana jiraa loolano badan oo kaa horreeya”

“Waxaan Anthony kala hadlay wax ku saabsan khibradayda kooxdan iyo waxa uu kooxdan ku gaadhi karo waxaanan wakhtiyo badan sheegay inaan anigu halkan u joogo inaan ciyaartoyda horumariyo”

“Marka aad isaga la fadhiisato ee aad la hadasho, Tusaale ahaan waayaha ciyaareed ee Cristiano, Waxa uu waayihiisa soo sameeyay iyo sida uu halkaas ku gaadhay kaddib waxaanu ka hadlaynaa ciyaartoy cajiib ah iyo taariikhda ay halkan ku sameeyeen waxaana filayaa in Anthony uu fadhiistay oo uu yidhi ‘Haddii aan qayb ka noqon karo midan kaddib waan jeclaan lahaa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*