Real Madrid Oo Dalab 100 Milyan Ah Ka Gudbin Doonta Marcus Rashford Ka Hor Inta Aanu Saxiixin Heshiiska Cusub Ee Ay United La Doonayso.

Qorshaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maamulka Florentino Perez ayaa halkiisa ka sii socda waxayna hadda Madrid diyaarsatay qorshe ay dalab 100 milyan gini ah uga gudbinayso gool dhaliyaha Manchester United ee Marcus Rashford ka hor inta aanu saxiixin heshiiska cusub ee ay maamulka Man United la doonayaan.

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayay ka go’antahay in uu dib u qaabayn wayn ku sameeyo kooxdiisa Madrid oo xili ciyaareedkan xaalad adag soo martay kadib markii uu Cristiano Ronaldo ka iibiyay kooxda Juventus, wuxuuna Perez markan bartilmaameedsanayaa Marcus Rashford.

Wargayska The Sun ee dalka England ka soo baxa ayaa shaaciyay in Real Madrid ay dalab 100 milyan gini ah ka soo gudbin doonto Marcus Rashford inta aanu saxiixin heshiiska cusub ee la qorshaynayo in uu Old Trafford ku sii joogo.

Manchester United ayaa hadda ku guulaysatay in ay Anthony Martial ku qancisay in uu saxiixo heshiis waqti dheer ah kaas oo ay hadda ka hadhsan tahay in si rasmi ah loogu dhawaaqo, waxayna sidoo kale qorshaynayaan in Rashford uu isna saxiixo heshiis waqti dheer ah si meesha looga saaro xiisaha muddada uga imanayay Madrid.

Heshiiska uu Marcus Rashford ku joogo Manchester United ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedka soo socda wuxuuna todobaadkii mushaar ahaan u qaataa £60,000 kun oo gini, laakiin haddii uu ogolaado in uu Madrid ku biiro waxa uu ka heli karaa mushaar saddex jibaarka badan inta uu ka qaadanayo United.

Laakiin sidoo kale Manchester United ayaa doonaysa in ay saddex jibaarto mushaarka Rashford iyada oo wada qorshe looga saxiixyo heshiis uu todobaadkii mushaar ahaan u qaadan karo £200,000 kun oo gini, laakiin xiisaha Madrid ee dalabka isku badalaya ayaa hadda Rashford xiiso galin kara.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in Rashford oo ah wiil ka soo baxay xarunta da’yarta Man United uu jecel yahay in uu Old Trafford sii joogo, balse ay kooxda Man United walwal ku abuurayso xiisaha ay Madrid ka jinayso da’yarkan kaas oo haddii uu ogolaado Bernabeu todobaadkii u xaadiri kara £250,000 kun oo gini.

Waxaana warbixintan lagu sheegay in Real Madrid ay dhamaadka xili ciyaareedkan Man United u diri doonto dalab 100 milyan gini ah si ay saxiixa Rashford u helaan waana arinta hadda walwalka cusub ku abuuraysa Man United oo si wayn ugu mashquulsan in ay xaliso mustaqbalka qaar badan oo ciyaartoyda kooxdeeda ka tirsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*