Kyle Walker Oo Fariin Ugu Maadsaday Liverpool Kadib Barbarihii Leicester City Iyo Fariintan Oo Uu Tirtiray.

Difaaca kooxda Manchester City ee Kyle Walker ayaa fariin maad ah soo dhigay bartiisa twitterka taas oo uu ku duray kooxda ay koobka Premier league ku tartamayaan ee Liverpool kadib barbarihii ay xalay Anfield kula gashay kooxda Leicester City.

Laakiin Kyale Walker ayaa delete-gareeyay ama tirtiray fariintan inkasta oo markiiba laga gaadhsiiyay oo sawir laga qaaday. Walker ayaa Liverpool ugu maadsaday in ay awoodi waayeen wixii ay filayeen ee ahaa in ay 7 dhibcood ka sare maraan kooxdiisa Man City.

Manchester City ayaa guuldaro 2-1 ah kala soo laabtay kulankii St James’ Park ee Newcastle United waxayna ka cabsi qabeen in Liverpool ay guul ka gaadho Leicester City balse kooxda Jurgen Klopp ayaa barbaro la gashay Leicester City inkasta oo ay Liverpool ka cadhaysan tahay go’aanadii garsoorihii kulankan.

Kyle Walker ayaa maada Liverpool u adeegsaday sawirkii caanka ahaa ee Harry  Maguire looga qaaday koobkii aduunka ee Russia 2018 markaas oo uu wacdaro ka soo dhigay waajibaadkii xulkiisa England wuxuuna Walker soo raaciyay fariin uu Liverpool ugu maadsaday maadaama oo uu Maguire dhaliyay goolkii barbaraha ee Leicester City.

Kyle Walker ayaa sawirka hoose soo raaciyay qoraalkan: “Sidaa daraadeed, waxay aas aasi ahaan ka fikireen in ay doonayeen in ay 7 dhibcood horeeyaan’.

Laakiin Walker ayaan bartiisa twitterka ku sii dayn sawirka iyo fariinta uu Liverpool ugu maadaday in ayna ka faa’iidaysan 7 dhibcood ee ay hogaanka ku qaban kareen ee ay ka fikireen ka hor kulankii Leicester City .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*