DAAWO: Bandhigii Philippe Coutinho Ee Kulankii Sevilla, Dhiiro Galintii Uu Lionel Messi Ka Helay Iyo Farxadii Uu Muujiiyay Markii Uu Rekoodhaha U Daayay.

Kubbad sameeyaha kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho ayaa dhibaato badan ku soo jiray xili ciyaareedkan waxaana shaki la galinayay mustaqbalkiisa Camp Nou waxaana lala xidhiidhinayay kooxaha Premier League ee Chelsea iyo Manchester United.

Philippe Coutinho ayaa bishii ugu danbaysay ku soo laabtay shaxda Valverde kadib markii uu xaalad adag soo maray laakiin kulankii Sevilla ee Copa Del Rey ayuu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican taas oo uu ku mutaystay in uu amaan kaga helay warbaahinta Spain ee eedaynta u soo jeedinayay.

Philippe Coutinho ayaa farxad ka muujiyay in Lionel Messi uu rekoodhihii kulankii Sevilla u daayay wuxuuna cadeeyay in uu waqti adag soo maray. Coutinho ayaa cadeeyay in Lionel Messi uu ku dhiiro galiyay in uu qaato rekoodhihii kulankii Sevilla.

Coutinho oo ka hadlaya sidii uu wax walba iskugu soo dayay iyo dhiiro galintii uu Lionel Messi ka helay kulankii Sevilla ayaa yidhi: “Wax walba waan isku dayay, wax soo baxayna ma jiro. Leo aya igu dhiiro galiyay in aan qaato rekoodhaha, waxayna taasi ka shaqaysay in aan helo kalsooni”.

Coutinho ayaa cadeeyay in ayna isku sii diyaarin in uu qaato rekoodhihii kulankii Sevilla wuxuuna muujiiyay in ay ahayd naxariis uu Messi ka helay wuxuuna yidhi: “Waxba iskumaaanu soo diyaarin, waxay ahayd qayb aad u badan oo naxariistiisa ah, waxay tilmaantu muujisay sida uu shaqasi wayn u yahay”.

Ugu danbayn Coutinho ayaa qiray in ay u ahayd habeen khaas ah jamaahiirta kooxdiisa Barcelona kadib guuldaradii Sevilla hore uga soo gaadhay wuxuuna yidhi: “Waxay ahayd habeen aad khaas ugu ah jamaahiirta Barcelona meel kasta oo ay oogaan, waxaanu ogayn in ay waajib nagu ahayd in aanu soo laabano kadib natiijadii xumayd, si aad u fiican ayaanu u ciyaarnay, waananu u qalanay”.

Halkan ka daawo muuqaalka bandhigii Coutinho ee kulankii Sevilla:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*