Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Leicester City, Miyuu Van Dijk Taam Noqday? Qaabkuuse Jurgen Klopp U Xaliyay Difaaca Kooxdiisa Reds?

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawanaysa kooxda Leicester City waana kulanka 24 aad ee Premier league, waxayna Liverpool kulankan ciyaaraysaa iyada oo ka fikiraya in ay hayato fursad dahabi ah oo uga soo dhex baxday guuldaradii Manchester City ee xalay ka soo gaadhay Newcastle United.

Jurgen Klopp ayaa gaadhay go’aano uu ku xalinayo dhibaatadii dhaawacyada ee kooxdiisa  laakiin warka ugu fiican ee uu helay ayaa ah in Van Dijk uu taam u noqday kulankan wuxuuna difaaca dhexe kula soo bilawday Joel Matip.

Jurgen Klopp ayaa gaadhay go’aano lama filaan ah isaga oo aan kulankan ku soo bilaabin Fabinho iyo Lovern oo kaydka ku jira kuwaas oo u muuqda in ayna taam buuxa u ahayn in ay ciyaaraan laakiin Klopp ayaa shaxdiisa u badalay qaab kale oo cusuub.

Van Dijk iyo Matip ayaa difaaca dhexe ku wada jira laakiin Klopp ayaa u muuqda inuu kaga dhabaynayo in uu shaxdiisa u badalay  in saddex difaac dhexe, shan khadka dhexe ah uu ku ciyaari doono.

Robertoson ayaa booskiisa difaaca bidix markale ku jira isaga oo ay suurtogal noqon doonto in uu difaaca dhexe ee saddexda ah kula biiri karo Van Dijk iyo Matip, waxaana khadka dhexe ku soo wada bilawday Henderson, Wijnaldium iyo Naby Keita halka Sadio Mane, Roberto Firmino, Shaqiri iyo Mohamed Salah ay dhamaantood kulankan ku soo wada bilawdeen.

Shaxdan ayaan ahayn mid Klopp laga filayay iyada oo la saadaalinayay in Keita aanu boos helayn balse Fabinho oo difaaca midig la filayay in uu ku soo bilawdo ayaan shaxdaba ku jirin wuxuuna ku qoran yahay kursiga kaydka.

Leicester XI : Schmeichel, Pereira, Evans, Maguire, Chilwell, Mendy, Ndidi, Albrighton, Maddison, Gray, Vardy

Liverpool XI : Alisson, Van Dijk, Matip, Robertson, Henderson, Wijnaldum, Keita, Mane, Firmino, Shaqiri, Salah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*