Shaxda Rasmiga Ah Ee Bournemouth Vs Chelsea-Miyuu Gonzalo Higuain Ku Soo Bilawday Kulankiisii Premier league Ugu Horeeyay?

Chelsea ayaa Bournemouth marti ugu ah kulankeeda 24 aad ee Premier league waana kulan muhiimad wayn u leh kooxda Maurizio Sarri kadib guushii ay xalay sii gaadhay kooxda Arsenal. Chelsea ayaa guul ay gaadhaa ka caawin kartaa in ay soo ceshato saddexdii dhicbood ee ay markii hore Gunners ka sareeyeen.

Laakiin guuldaro soo gaadha ama xataa barbaro ay Chelsea la soo gasho Bournemouth, waxay sii xumayn kartaa xaaladii Chelsea ee kadib guuldaradii ay Arsenal kala soo laabteen kulankii Premier league ugu danbeeyay.

Maurizio Sarri ayaa markii ugu horaysay shaxdiisa kulan Premier league ah ku soo bilaabay xidiga ay Blues amaahda kula soo wareegtay ee Gonzalo Higiain wuxuuna ka garab ciyaari doonaa Eden Hazard iyo Pedro Rodriguez.

Laakiin Willian iyo Marcos Alonso ayaa kaydka ku jira waxaana soo laabtay Luftus-Cheek oo dhaawac ka soo laabtay wuxuuna Sarri ku soo shirtagay shax aad u xoogan.

Chelsea XI:  Kepa, Azpilicueta, David Luiz, Rudiger, Emerson, Kante, Jorginho, Kovacic, Pedro, Eden Hazard, Gonzalo Higuain

Kaydka: Caballero, Christensen, Marcos Alonso, Luftus-Cheek, Ross Barkley, Willian, Giroud.

Bournemouth XI: Boruc, Clyne, Cook, Ake, Smith, Surman, Gosling, Stanislas, Fraser, Brooks, King

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*