Neymar Jr Oo Xili Ciyaareedkii Shanaad Oo Xidhiidh Ah Sababo Isku Mid Ah Uga Qayb Galaya Xuska Dhalashada Walaashii Rafaella. Akhriso Sheekadan Layaabka Leh.

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee ayaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay in uu garoomada kubbada cagta ka maqnaan doono muddo 10 usbuuc ah taas oo la micno ah in uu PSG ka maqnaan doono 14 ka kulan ee soo socda oo ay ku jiraan labada kulan ee Manchester United ee Champions League.

Laakiin waxaa soo ifbaxday sheeko layaableh oo la xidhiidha xaalada Neymar Jr ee shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay iyo waliba sida ay dhacdooyinkani ugu soo beegmeen xuska dhalashada walaashii Rafaella.

Neymar Jr ayaa xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah dhaawac ku maqnaan doona bisha March, hadda waa xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah, laakiin waxaaba ka sii daran in xili ciyaareedkii shanaad oo xidhiidh ah uu ka qayb gali doono maalinta xuska dhalashada walaashii Rafaella iyada oo sharaxaad aad halan hoose kaga bogan karto.

Sanad kasta Neymar Jr walaashii Rafaella ayaa xaflada sanad guurada dhalashadeeda qabsatay March 11, waxayna sanadkan u dabaal degaysaa sanad guuradii 23 aad ee dhalashadeeda ka soo wareegtay, laakiin waxay markale heshay fursad kale oo aan la rumaysan karin oo xili ciyaareedkii shanaad oo xidhiidh ah xafladeeda ugu dhex arki doono Neymar Jr.

Laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 2014/15 ilaa xili ciyaareedkan waxa uu Neymar Jr si joogto ah uga soo muuqanayaa xaflada walaashii Rafaella wuxuuna xili ciyaareedkii 2014/15 kii uu xafladii walaashii uga qayb galay in uu Barcelona ganaax kaga maqnaa.

Laakiin Neymar Jr ayaa markale shaki abuuray kadib markii uu ganaax ku seegay kulamadii Barcelona ee xili ciyaareedkii 2015/16 kii isla waqtigii uu xili ciyaareedkii ka horeeyay uu seegay wuxuuna markaas awooday in laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah uu ganaax kaga maqnaa Barca uu ka qayb galay xafladii walaashii Rafaella.

Waxaa halkiisa ka sii socday cudur daarkii uu Neymar Jr ku seegayay kulamada kooxdiisa isaga oo xili ciyaareedkii 216/17 kii uu dhaawac ku maqnaaday bishii March wuxuuna markii saddexaad oo xidhiidh ah uu ka qayb galay xafaladii dhalashada walaashii ee Rafaella.

Sheekada ayaan wax isbadal ah yeelan wuxuuna Neymar Jr markale ogaaday in uu dhaawac halis ahi soo gaadhay xili ciyaareedkii la soo dhaafay ee 2017/18 kii markaas oo uu PSG muddo saddex bilood ah uu dhaawac kaga maqnaa laakiin waxa uu sidii caadada u ahayd helay fursada uu bishii march kaga qayb galay xuska dhalashadii walaashii isaga oo waliba Brazil sii joogay.

Laakiin xili ciyaareedkii shanaad oo xidhiid ah waxaa hadda Neymar Jr loo cadeeyay in uu muddo 10 usbuuc ah maqnaan doono wuxuuna markale ka qayb gali doonaa xafladii dhaalasho ee shanaad oo xidhiidh ah ee walaashii Rafaella.

Inkasta oo uu Neymar Jr jeclaan lahaa in uu sii wato in uu kooxdiisa PSG u ciyaaro kulamada muhiimka ah ee soo socda, haddana waxaa sii socday inkaarta dhaawacyada ee xiligan oo kale soo gaadhay laakiin wali waxay arintani suurtogal uga dhigtay walaashii Rafaella in uu xafladeeda ka soo qayb galo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*