Kadib Fashilkii Paris Saint-Germain Ee Frenkie De Jong, Maamulka PSG Oo Doonaya In Markan Ay Barcelona Ku Garaacaan Saxiixa Matthijs de Ligt .

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa rajaynaysa in ay Barcelona iyo kooxaha Yurub ee wayn ku garaaci karto saxiixa difaaca kooxda Ajax iyo xulka qaranka Netherlands ee Matthijs de Ligt. PSG ayaa wali ka cadhaysan qaabkii ay Barcelona uga dul qaaday saxiixa xidiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong kaas oo 86 milyan yuro ugu biiray Barcelona.

Wargayska  Mundo Deportivo ayaa shaaciyay in maamulka kooxda PSG ay rajaynayoaan in ay Barcelona ku garaacaan saxiixa difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kadib fashilkii suuqa ee ay kala kulmeen isla xidiga ay De Ligt isku kooxda wali yihiin ee Frenkie De Jong.

PSG ayaa waqti u muuqatay in ay ku guulaysatay saxiixa Frenkie De Jong laakiin maamulka sare ee Barcelona ayaa dagaal wayn u galay sidii ay da’yarkan uga joojin lahaayeen PSG iyaga oo xataa u adeegsaday fariimo uu Neymar Jr u soo diyaar ciyaartoyda Barca oo ku sheegayay in uu ka shalaynayo go’aankii uu PSG ugu biiray ee uu Barcelona kaga baxay.

Laakiin kooxaha PSG iyo Barcelona ayaan ahayn labada kooxood ee kaliya ee ku dagaalamaya saxiixa Matthijs de Ligt balse waxaa saf dheer ugu jira kooxaha waa wayn ee Yurub oo ay ka mid yihiin Manchester City iyo Juventus oo horeba iyaguna ugu fashilmay saxiixii De Jong.

Xidhiidhka kooxaha Barcelona iyo Ajax ayaa sidoo kale qayb wayn ka ciyaaraya in Barcelona ay markale kalsooni wayn ku qabto in ay kooxaha Yurub ka qor qaadi doonto difaaca Ajax ee Matthijs de Ligt si ay Camp Nou ugu midayso saaxiibkiisa ay Ajax ku soo wada koreen ee De Jong.

Matthijs de Ligt ayaa dhawaan waraysi uu bixiyay ku cadeeyay sida uu ciyaartoy kastaaba u jecel yahay in uu Barcelona u ciyaaro wuxuuna bogaadiyay go’aankii uu De Jong ku qaatay in uu Barca ku biiray taas oo abuurtay rajo wayn oo ay maamulka Barcelona ku qabaan in ay Matthijs de Ligt la soo saxiixan karaan.

Laakiin wararka ayaa hadda sheegaya in PSG ay rajo ku qabto in markan ay Barcelona kaga aarsan karto saxiixa Matthijs de Ligt.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*