DEG-DEG: Mesut Ozil Oo Go’aan Ka Gaadhay Qorshihii Ay Kooxdiisa Arsenal Ku Doonaysay In Uu Amaah Ugu Biiro PSG.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Özil ayaa go’aan buuxa ka gaadhay qorshihii ay maamulka kooxdisia Arsenal ku doonayeen in uu amaah ugu biiro kooxda Paris Saint-Germain kadib markii ay kooxda Barcelona heshiis amaah kale ah kala gaadheen Denis Suarez.

Wargayska magaalada Munich ka soo baxa ee Süddeutsche Zeitung ayaa hadda shaaciyay in Mesut Ozil uu iska diiday qorshihii maamulka kooxdiisa Arsenal ee ahaa in uu amaah ugu biiro kooxda PSG iyada oo kooxda Paris Saint-Germain doonaysay in ay Ozil ku sii buuxsato booska uu Neymar Jr dhaawaca kaga maqan yahay.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa suuqa ugu jirta ciyaartoy muhiim ah oo ay la soo saxiixan karto waqtiga kooban ee suuqa ka hadhsan laakiin qorshihii ay Arsenal ka wada hadleen ee ahaa in Mesut Ozil uu heshiis amaah ugu biiro kooxda PSG ayuu hadda iska diiday si uu kooxdiisa u sii joogo.

Unai Emery ayaa si wayn hoos ugu dhigay saamayntii uu Mesut Ozil ku soo lahaa kooxdiisa Arsenal isaga oo marar badan kaydka dhigay isla markaana sabab la’aan liiska kooxdiisa uga reebay kulankii West Ham United markaas oo uu waliba shaki wayn galiyay awooda Ozil.

Laakiin Arsenal oo hore Mesut Ozil ugu soo bandhigay kooxda Inter Milan si ay Ivan Perisic u hesho ayaa qorshahaas ku fashilantay laakiin markale Ozil ayaa iska diiday in uu ka baxo Arsenal isaga oo iska indho tiray fursada uu Champions League uga ciyaari lahaa kooxda Paris Saint-Germain.

Arsenal ayaa hadda la sugayaa in ay dhawaaqdo heshiiska ahaamda ah ee Denis Saurez waxayna u arkayeen in uu booska Ozil u biixin karo taas oo keeni kartay in uu PSG ku biiro maadaama oo uu mushaar qaali ah ka qaato Arsenal kaas oo hadda u muuqda in uu dhibaato wayn ku yahay maamulka Gunners.

Si kastaba ha ahaatee, Mesut Ozil ayaa gaashaanka ku dhuftay in uu aqbalo heshiiska amaahda ah ee uu PSG ugu biiri lahaa kaas oo waliba si rasmi ah loo badali lahaa wuxuuna go’aansaday in aanu Premier league iyo Arsenal ka bixin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*