Xulalka Soomaaliya & Eritrea Oo Kulan Saaxiibtinimo Ku Ciyaari Doona Mogadishu & Waqtiga La Ciyaari Doono Oo La Ogaaday

Xulka qaranka Eritrea ee da’dooda ka hooseyso 20 sanno ayaa u duuli doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya 14ka bisha Febraayo halkaasoo ay kulan saaxiibtinimo kula ciyaarayaan dhigooda Soomaliya.

Kulankaan saaxiibtinimo waxa uu hordhac u yahay tartanka nabada iyo saaxiibtinimada ee afarta wadan ee deriska ah ay ku yeelan doonaan magaalada Asmara ee caasimada Eritrea 11ka ilaa iyo 20ka bisha April.

Waxaa tartankaas ka qeyb geli doona Soomaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Ethiopia.

Warkaan waxaa bartiisa Twitter ku shaaciyay joornaaliistaha reer Eritrea Paulos Netaby

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*