MAAD: Alexis Sanchez Oo Si Arxan Daro Ah Ugu Maadsaday Kooxdiisii Hore Ee Arsenal Kadib Goolkii Uu Emirates Stadium Ku Dhaliyay.

Xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa xalay gool ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Arsenal kulankii FA Cupka ee Emirates Stadium ka dhacay. Sanchez ayaa ahaa xidigii Man United u dhaliyay goolka furitaanka laakiin xidiga reer Chile ayaan wax ixitraam ah u muujin kooxdii uu waqtiga cajiibka ah ku soo qaatay ee Gunners.

Alexis Sanchez ayaa ugu horayn si wayn ugu dul dabaal degay kooxdiisii hore ee Arsenal si ka duwan qaabka ay inta badan ciyaartoyda kubbada cagtu u ixitraamaan kooxahoodii ay hore uga soo ciyaareen, laakiin Sanchez ayaa ciilkii uu ka qaaday xaaladii xumayd ee uu soo maray waxa uu si xun ugu maadsaday kooxdii uu ixtiraami lahaa ee Gunners.

Alexis Sanchez ayaa shaqo u galay sidii uu ugu maadsan lahaa kooxdiisii hore ee Arsenal isaga oo waliba barta Instagramka ay eydiisa ku soo daabacay sawir filim laga soo min guuriyay isaga oo sawirkan u adeegsaday in uu Arsenal ugu maadsado.

Alexis Sanchez ayaa barta uu u sameeyay Eydiisa ee @atomhumberoficia1 waxa uu soo dhigay sawirka hoose ee wana sawir laga soo min guuriyay filimkii Will Smith’s ee ” I Am Legend” waxaana magaca filimkan lagu badalay “I Am Back” oo ah in Alexis Sanchez uu soo laabtay isla markaana uu ka soo dhex baxay xaaladii xumayd ee uu ku dhex jiray.

Sawirkan ayaa u muuqda mid aanu Alexis Sanchez gacantiisa ku samaysan balse uu cid gaar ah ka dalbaday waxaana lagu soo qoray: “Waxa uu u soo laabtay in uu Piano ciyaaro, waxay la kulmeen muusikadii”.

Laakiin iyada oo Alexis Sanchez aanu xataa sawirkan soo dhigin bartiisa shaqsiga ah balse uu soo dhigay akownka Instagram ee Eydiisa ayaa muujinaysa xumaanta uu u hayo kooxdii waqti dheer maaliyadeeda soo difaacayay waxayna u muuqan kartaa in cadhadii uu maamulka Gunners u hayay iyo xaalada xun ee uu ku soo jiray ay sabab u noqotay.

Alexis Sanchez ayaan Manchester United marnaba ku soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii Arsenal inkasta oo uu xalay shabxda Ole Gunnar uu ku soo bilawday isla markaana uu gool dhaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*