GO’AAN: Real Madrid Oo Go’aan Ku Gaadhay In Ay Iskaga Baxdo Xiisihii Christian Eriksen, Barcelona Oo Sabab U Ah Iyo Madrid Oo Awooda Iskugu Gaynaysa Eden Hazard.

Kooxda Real Madrid ayaa iskaga baxday xiisihii waynaa ee ay u haysay xidiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham iyo xulka qaranka Denmark ee Christian Eriksen waxayna Madrid hadda dareenkeeda si buuxda ugu haysaa in ay Eden hazard kala soo wareegto Chelsea.

Kooxda Barcelona ayaa sabab u noqtay in maamulka Madrid ay iskaga baxaan heshiiskii ay ku doonayeen Christian Eriksen kadib markii uu gudoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy uu si wayn uga cadhooday warka sheegayay in Madrid ay Eriksen ku doonayso qiimo aad uga yar inta uu suuqa ka jooga isla markaana ay Barcelona iimo 86 milyan euros ah kula soo saxiixatay Frenkie De Jong.

Florentino Perez ayaa doonayay in uu Tottenham ku cadaadiyo qiimo si wayn uga hooseeya inta lagu heli karo Christian Eriksen maadaama oo ay Madrid dareensan tahay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu Eriksen galayo sanadkii qandaraaskiisa Spurs ugu danbeeyay isla markana uu diiday in uu hesiis cusub saxiixo.

Balse markii uu gudoomiyaha mayalka adag ee Daniel Levy uu ogaaday in Barcelona ay 86 milyan yuro ka bixisay 21 sano jirkii kooxda Ajax ee Frenkie De Jong, waxa uu madaxa Eriksen dul dhigay iimo 250 milyan yuro ah kaas oo uu hadda wargayska AS cadeeyay in maamulka Madrid ay ka baxeen xiisihii Eriksen.

Laakiin Real Madrid ayaa markan awooda suuqeeda iskugu gayn doonta in ay dhamaadka xili ciyaareedkan la soo saxiixato Eden Hazard oo isagu diyaar u ah in uu ka baxo Chelsea isla markaana marar badan ku celceliyay in uu ku riyoonayo sidii uu Madrid ugu ciyaari lahaa.

Eden hazard ayaa lagu iimaynayaa 150 milyan yuro laakiin maamulka Madrid ayaa wali aaminsan in ay qiimo aad uga hooseeya ku heli karaa sidii ay xagaagii la soo dhaafay ugula wareegeen Courtios maadaama oo uu Hazard gali doono sanadka qandaraaskiisa Stamford Bridge ugu danbeeya.

Si kastaba ha ahaatee, Madrid ayaan u dhaqaaqi doonin Eriksen balse waxay awooda iskugu gayn doonaan sidii ay Eden Hazard ugu danbayn ku keeni lahaayeen Bernabeu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*