OGAYSIIS MUHIIM AH: Shabakada Laacib Oo Isbadalo Muhiim Ah Samaysay Iyo Tilmaamaha Ay Akhristayaashu U Baahan Yihiin In Ay Ogaadaan.

Shabakada caanka ah ee ciyaaraha Laacib.net ayaa isbadalo muhiim ah lagu samayn doonaa iyada oo si khaas ah aanu halkan akhristayaasha sharafta leh ugu soo gudbinayno tilmaamo muhiim ah oo aanu doonayno in ay si buuxda u fahmaan.

Laacib.net waa shabadii ugu horaysay ee ciyaaraha si joogto ah uga faaloota ee guud ahaan gayiga Somalidu degto laga aas aasay, waxayna waqti dheer soo ahayd ilwareedka ugu muhiimsan ee warbaahinta kale ee Somalida ee iskugu jirta kuwo qoraal ah, muqaal ah iyo waliba kuwa codka ah, taas oo sharaf wayn noo ah in doorkaas ay shabakadu u qabtay dad waynaha luuqda Soomaaliga ku hadla.

Sababta ugu wayn ee shabakada Laacib ay horumarkan ku gaadhay waxaa kow ka ah akhristayaasha sharafta leh kuwaas oo aanu markasta siino muhiimada kowaad, waana sababta aanu qormadan idiinku soo gudbinayno si aad ula socotaan isbadalka aanu samaynayno.

Muxuu Yahay Isbadalka Shabakada Laacib.net?

Isbadalka Laacib.net waxa uu noqon doonaa mid laba qaybood ah iyada oo aanu soo kordhinay qayb luuqda Ingiriisida ku bixi doonta iyo qayb kale oo ah kii aad waqtiga dheer nooga barateen ee luuqda Af-Soomaaliga ku baxayay balse qaabka ayaa noqon doona mid woxogaa sidii hore ka duwan.

Marka ugu horeeya ee aad shabakada Laacib soo booqato waxaad arki doontaa qaybta luuqada Ingiriisida ah, laakiin dhinaca sare ee shabakada waxaa saaran qayb kuu tilmaamaysa in aad doorato luuqda aad doonayso in aad wax ku akhriato.

Akhriste kastaaba waxa uu heli doonaa fursad uu ku akhrisan karo luuqda English-ka ee kuu soo hor bixi doonta ama in aad si khaas ah u doorato qaybta luuqda afkeena hooyo ee Soomaaliga. Sida aad sawirka hoose ka arki karto, laba meelood ayaad ka dooran kartaa shabakada Laacib qaybteeda Af-Somaliga ah, waana labada meelood ee calaamadsan.

Haddii aad luuqada English-ka ku fiican tahay waxaad wararka ku akhrisan kartaa isla luuqda English-ka ee marka ugu horaysaba kuu soo baxaysa. Insha Allah waxaanu rajaynaynaa in tilmaamaha sawirka sare ay ku filnaan doonaan in aad kala dooran karto haddba qaybta aad doonayso in aad wararka ka akhrisato.

Mar  labaad, saddexaad waad ku mahadsan tihiin sida wayn ee aad ugu taxantihiin shabakada Laacib.net, waxaana balan naga ah in aanu markasta u taaganahay soo tabinta warar xaqiiqo ah oo xiiso badan kuwaas oo aad kaga xaqab bixi kartaan dhacdooyinka Sportska gaar ahaan kubbada cagta.

Alla Mahad lleh

Maamulka Shabakad Laacib.net

46 Comments

  1. Aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin waxaan ka mid ah taageerayaashen tooska ugu xidhan maalintii saacadii ugu yaraan afar jeer waan soo booqda habeen kiina xad malaha ilahay haydiin fududeeyo bahda sports ka jecel hawl adag ayaad u haysaan

    • Walaal waad ku mahadsan tahay taageerada xad dhaafka aad inoo muujisay. Waxaana rajeynaynaa inaan sii labalaabno shaqadeena haddii uu Eebe idmo

  2. asc walalaha saan kadib runtii waan ku dhibanahay muuqalada aad soo galisan iyo wararkiina o dhaadher runti eed kale malahidin mahadsanidiin walalahay

  3. Laacib.bet waad ku dhesheen mar hadii aad af aanu anaka laheenin aad kuwaada kowaad ka dhigteen somalia ayaa leh pegan ee Mad somali ka dhigtaan luqada kowaad

    • Nassir waan kaaga mahadcelineynaa waqtiga aad gelisay inaad taladaada nala wadaagto. Luqada hooyo waa taan in muddo ah wax ku soo gudbineynay kuna soo gudbin doono kaliya luqada Inagriiska waa wax cusub aan soo kordhinay iyo inaan balaarino bulshada aan wax u tabino. Wixii talo ah waan soo dhweyneynaa

  4. Idinkoo raali ah qaybta koobaad ee marka web ka lagalo soo baxaysa kadhiga Soomaali, English kuna u noqdo mid cidii rabtaa doorato. Waad mahadsantihiin

    • Waad mahadsan tahay waana soo dhaweyneynaa taladaada, laakiin waxaan filayaa inaan sahalnay kala doorashada luqada Ingariiska iyo tan afkeena Hooyo sida xaga sarre kaaga muuqata. Waxaan rajeynayaa inaan adeeg midkii hore ka balaaran ku qaban doono.

    • Mahadsanid Ciilow waa fekrad fiican texgelina muddan laakiin waxaan rajeynayaa inaan fududeynay in qofka iu kala doorto luqada uu doonayo sida ka muuqata haka sarre.

  5. asc lacib net mahadsanidin lkn waxan aheyn dad so boqda laacib mar walba lasocda wararka lacib lkn sakay waxa iga hor yimid afkeyni mid aan ahey sax wa loo bahan yahay afaf kali lkn mudnanta kowad inagaa leh mar nasiiya qoraalka kowad qofki raba inglish ha aado qeybta hada loo aado afka somaliga waxan jeclan laha in aad iga aqbashaan anagoo mudan lasocodka laacib hadana luqadeyna uma adi karno meel kali sakay waxanba is iri ma luqadii ayaa nagu fil nan weyday

    • Abuubakar waana kaga mahadcelineynaa inaad waqtigaaga qaaliga ah ku bixisay inaad talo nala wadaagto, waxaana jeclaan lahaa inaan ku xaqiijiyo in afkeena uu nagala qiimo badan yahay luqad kasta balse aan isku dayayno markaan inaan gaarno bulsho balaaran anagoo sidoo kalena bulshadeena afka Soomaliga ku hadashaa howshii aan u qaban jirnay u sii laba jibaareyna

    • Mahadsanid Kabadhe waa runtaa inaan dhageysano afkaarta akhristayaasheena ayaan heerkaan ku soo gaarnay balse nagu saacid inaan heer ka sii balaaran gaarno anagoo sii laba jibaareyna shaqadeena luqada Soomaaliga, waxaana rajeynayaa inaan sahalnay kala doorashada laba luqadooda. Mahadsanid mar kale

  6. MA klik ta lasiinayo inay idiin badato ayaad rabtaan ileen kolka hore English kadibna kasii tag Soomali waxaan ku oran lahaa tix gali macaamiisha oo luqada Somaliga hore ka dhig

    • Waad ku mahadsan tahay Alli fekerka aad nala wadaagtay, laakiin waxaan ku xaqiijinayaa inaanan aheyn kilik raadis sida aad hadalka u dhigtay balse hadafkeena uu yahay inaan bulsho ka balaaran tii hore gaarno anagoo sidoo kale sarre u qaadeyna tayada wararkeena luqada Soomaliga, waxaana rajeynayaa inaad nagu saacidi doonto

  7. luuqada koobaad ha noqoto mida afkeena hooyo. ee fadlan ka dhiga mida koobaad ee soo baxaysa luuqada soomaaliga waayo dadka page kan booqanayo waa soomaali ee ma ahan dad british ah.

    • Mahamud waa mahadsan tahay walaal waana soo dhaweyneynaa taladaada, waana runtaa Soomalinimada ayaa nagala weyn wax walba balse waxaan rabno ayaa ah inaan bulsho balaaran wax u gudbino anagoo sarre u sii qaadeynaa howshii aan u heynay dadkeena Soomaliyeed ee xiiseeya ciyaaraha. Mahadsanid walaal mar walbana nala wadaag fekerkaaga iyo sida aan ku sii hormarin karno howsha aan ku heyno.

  8. Asc marka kobad wad ku mahad san tihin wax qabad kan baran ee as no samaysen anigu waxan la mid ahay dhalinta ad ka u isticmasho wab kina adegan cusub na ad ban ugu farax sanahay labada luqadod na wa iskugu kay mid lkn waxan jeclay san laha in ad luqadena hoyo so hor marisan maxa yelay dad waxa jiro ay dhib ku tahay intas yar e dorashada thanks well done

    • Wcs, Calaf waad ku mahadsan tahay taageerada aad inala garab taagan tahay, waana soo dhaweyneynaa fekerkaaga waxaana isku dayaynaa inaan u sahalno akhristayaasheena kala doorashada labada luqadood sida aan haatanba sameynay.

    • wcs Jamal, mahadsanid walaal waa runtaa waana sax inaan qadarino afkaarta akhristayaasheena waana u sahleynaa inay si fudud ku helaan wararkeena haddii ay ahaan laheyd luqada Ingariiska ama Soomaaliga

  9. wad saxan tihiin bahda laacib.net wayo waxa jira dad Somali ah hadaneh u u fudud yahay luqada English ka Marka hada ayad Isku dheli dirteen dadka joga addunka dacaladisa kun io kow jeer wad mhdsn thn walalehen

  10. Hello,
    I’m Andrea Mora from ExMarketPlace an international Partner of Laacib.net
    I would thank the Laacib.net team for the great work they do everyday.
    They constantly put readers at the center and this evolution will bring all the Laacib network in a bright future.
    I know evolution can be hard at the beginning but having Somali and English version is a great opportunity for all the community.
    With a simple click we can decide to read Somali or English articles.
    Congrats! Best wishes

  11. Magacaygu maa mustafe saleban jooga somalind gar aahn magalada purco waxan zi wacan ula zocda wararka shabkaden lacib net waa shabkada kali ah aan wax ja fahmo wlhi markay cilad ku timaad runtii rafaad ban dareeema waa il aanu ka helno warar zax ah markaa howshaad wadaan waa howl fcn waanad ku mahad zantihiin iyo sidada daacada ah eed warar ka usoo tabizan iyo daanay tageero idinka muuqan waad mahad zanitihiin 100%

  12. Codsi
    Asc markaxiga waxan idinka codsan lahaa in webku luqadisa kobad aynoqoto af somaliga oo marki lafuro aysobaxdo afsomaliga waxa ladoranayana ay noqdaan englishka wayo hada waxa kobaada englishka umana baahninba luqad aan tena aheen hadii laga fursan wayana aynoqotaa tan ladoranayo lkn webka marki lafuro waxan arkenaa english batatanba wa qalad wayo hada english rabno webab englishka idinka ficanaan naqaan sida The sun , Daily mail,goal.com & kuwo kalo badan

  13. Asc laacib aad ayaa ugu mahad santihiin isbadalka aad sameeyseen . aniga waxaa ku dhibanaa waayahaan dambe xayeeysiin saaid ah oo iska soo galaayo markii mobile ismaalayo . hada waa ok bilaa xayeeysiin waaye mar labaad waa mahadsantihiin .

  14. Way fiicantahay sidan aad samayseen Lkn dadka qaarbaa hadalku aanu galin ka daaya buuqa webka wax lagu idhi Kala dooro English and Somali.waana wax fudud. Dadka qaarbaa farta waawayn wax Ku fahma

  15. thanks laacib waad mahadsantihiin aniga hal cilad ayaan idinku haystaa waana barnaamijka saadaasha qubarada marks tusaale ahaan isbuucan sadaashiisa aad soo gudbineysaan tii isbuucii hore noosoo raciyo wuxuu saxay iyo wuxuu khalday
    thanks shaqada adag ee aad haysaan

  16. Aadbad usalaamantihin lacib net
    Plz lacib net afka aadnoogu soo gudbinaysaan ha noqdo afsoomali kaliya waayo aadbaa loola dhacsanyahay inta afsoomaliga ku hadasha
    Mahadsanidin

  17. Qof doonayo afka english inuu ciyaaraha ku aqrisado wuxu booqanaya sky sports BBC sports iyo wixii lamid ah, pagkaan laacib kliya waxa soo booqdo qof afsomaliya doonayo inuu ciyaaraha ku aqrisado sida daradeed barnaamijkaan cusub aad soo kordhiseen wuxu u muuqdaa mid la karaahisdo fikir ahaanteeda. Waaan ka mahadcelinaya qiyaastii inkabadan 7sano inaa si joogta ah kaga bogan jiray wararka ciyaarah waliba anigoo ku raaxeysanaaye tayada qoraaleed ee aad afsoomaaliga u leedihiin mahadsanidiin.

  18. Aad ayaad umahadsan tihiin mida kale waa loo baahan yahay horay usocodka waana loo baahanyahay page ka in uu world wide noqdo hormar wacan iyo xaqabtir bulsho insha allah

  19. Aad iyo aad ayaad umahadsantihiin
    Laakiin talo ahaan waxaan idinku darsanlahaa in mudnaanta koowaad luqadeena soomaaligu lasiiyo kadibna uu qofkii ingiriis rabo uu kor kadoorto.waa talo.

  20. Asc aad ayad umahadsantihin hal sual ayan qabaa taas oo ah markan doonayo inan sii aqriyo wararki idhaafay waa ii soo bixi waayen ee halkas ha la iga jaahil bixiyo again thanks

  21. Wad mahadsantahay Kaabe Anigu Waxaan kamid ahay taagereyaasha sida tooska ah idiinla socdo. Waxaa wangsn in Afsomaliga laga dhigo mida koowaad waayo Waxaan nahay Somali Waxaa nagu jiro dad Aan fahmeeynin tilmaamaha aa bixisay #Mahadsanidiin

  22. anigu waxaan ka tirsanahay taageerada lacib.net waxaan ku noolahay wajir kenya waxaan Captain u ahay koox ka dhisan wajir ee banadir fc: intaas kadib waxaan codsanaynaa aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan teamkaba in aad nuber One nooga dhigtaan luqada hooyo, hadii ay dhici wayso waxaan aqrisan doonaa kuwa englishka ku qoran sida teamtalk iyo kuwa la midka ah marka ogaada waxaan idiin siinay muhiimada koowad waa in aan xiiso u qabno una hiilinayno afkeena hooyo waad mahadsantahiin,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*