Emiliano Martinez Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xiriirinaya Man United

Warar ay baahinayaan ilo saxaafadeed ayaa sheegaya in goolhayaha xulka Argentina iyo kooxda Aston Villa, Emiliano Martinez, uu diyaar u yahay inuu ku biiro Manchester United – xitaa haddii kooxdaasi aysan ka qaybgelin tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay weriyaha caanka ah Ben Jacobs, mustaqbalka heshiiska Martinez wuxuu si dhow ugu xiran yahay xaaladda goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana, kaasoo wali aan lagu wargelin in laga saaray qorshaha kooxda ee mustaqbalka dhow.

Manchester United ayaa horey u qorsheysay inay suuqa xagaagan keensato goolhaye kayd ah, balse maamulka kooxda ayaa hadda dib u eegaya suurtagalnimada helidda goolhaye dookha koowaad ah, haddii ay helaan fursad ku habboon.

Inkasta oo aysan jirin dalab rasmi ah oo la gaarsiiyay Aston Villa, haddana Manchester United ayaa la fahamsan yahay inay ogtahay in Martinez diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Aston Villa ayaa la filayaa inay ku qiimeyso goolhayaha qaran ee Argentina lacag dhan 40 milyan oo euro, iyadoo uu haatan heshiis kula jiro kooxda ilaa sanadka 2029.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football