Eden Hazard Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Iyo Haddii Uu Real Madrid Ku Biiri Karo, Chelsea Oo Hazard Miiska U Saartay Dalabka Heshiiska Cusub Iyo Mushaarka Loo Qorsheeyay.

Xidiga saamaynta badan ee xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhay iyada oo maamulka kooxdiisa Blues ay balan ku qaadeen in ay sii haysan doonin isla markaana uu waliba farxad ku sii joogi doono Stamford Bridge.

Eden Hazard oo tiraba dhawr jeer si furan uga hadlay mustaqbalkiisa iyo sida uu ugu riyoonayo in uu maalin uun ku biiro Real Madrid ayaa ugu danbayn go’aansaday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda uu horumarka wayn ku soo gaadhay ee Chelsea.

Wargayska Gazetta dello Sport ayaa shaaciyay in Eden Hazard uu go’aansaday in uu sii joogo Chelsea isaga oo waliba miiska loo saaray dalabka heshiiska cusub ee ay maamulka Blues ku doonayaan in uu saxiixo si uu waqti dheer ugu qaato Stamford Bridge.

Waxaa warbixintan lagu xaqiijiyay in Eden Hazard uu todobaadyada soo socda ogolaan doono saxiixida heshiiska cusub ee ay Chelsea u soo bandhigtay kaas oo uu todobaadkii ku qaadan doono £300,000 kun oo gini.

Heshiiska cusub ee uu Eden Hazard saxiixi doono waxa uu sanadkiiba ku qaadan doonaa £15.8 milyan gini oo ayna cashuurtu ku jirin taas oo sabab u noqon karta in uu waqti dheer sii joogo Chelsea isla markaana ay Real Madrid ku seegi doonto rabitaankii ay xidigan ku doonaysay.

Laakiin Real Madrid ayaa iyaduna wada qorshe kale oo ay Chelsea ugu qancinayso in ay Eden Hazard u ogolaato Bernabeu waxayna Madrid wadaa dalab lacag iyo Gareth Bale iskugu jira oo ay ku doonayso saxiixa Hazard.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Chelsea ayaa hadda u muuqda in ay kalsooni buuxda ku qabaan in ay Eden Hazard ka saxiixan doonaan heshiiska cusub si meesha looga saaro walwalka ah in laba sano kadib uu kooxda si xor ah kaga bixi karo maadaama oo uu heshiiskiisa hadda ee Blues uu dhacayo 2020.