Dowladda Spain Oo Laba Goobood U Calaameysay Taageerayaasha River Plate iyo Boca Junior Iney Kula Dabaal Dagaan Hanashada Copa Libertadores.

ilaa iyo hadda lama oga sida uu kusoo dhamaan doono kulanka weyn ee habeen dambe dhexmari doona labada kooxood ee ugu awoodda badan dalka Argentina River Plate iyo Boca Junior, wuxuu ka qabsoomi doonaa garoonka Santiago Bernabeu, balse waxaa jirta in dowladda Spain ay durba sii qorsheysay koox walba iyo halka ay ku dabaal dageyso kadib guushooda tartanka.

Labadaan kooxood lugtii hore oo lagu ciyaaray guriga Boca Junior waxaa lagu soo kala baxay 2-2, balse markaan lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa, kooxdii tartankaan ku guuleysata waxey ka qeyb gali doontaa tartanka FIFA Club World Cup.

Dowladda waxey go’aamisay in labada kooxood taageerayaashooda ay ku kala dabaal dagi doonaan Plaza de la Puerta del Sol iyo Plaza de Colon, waana laba goobood oo bartamaha Madrid ku yaalla.

Puerta del Sol waa goob dhamaadka sanadka lagu dhigto xafladaha, sidoo kalana dibadbaxyada looga qeyb galo, sidoo kalana waa goob ay kooxaha magaalada Madrid koobabka ugu dabaal dagaan.

Plaza de Colon waa goob xafladaha waaweyn lagu qabsado, sidoo kalana waa goobtii ay qaranka La Roja ugu dabaal dageen hanashadii koobkii Adduunka 2010.

Arrintaan waxaa xaqiijiyay wafdigii ka socday dowlada Spain ee soo gaaray magaalada Madrid oo uu hogaaminayay Jose Manuel Rodriguez Uribes, shir jaraa’id ayaana lagu xaqiijiyay iyadoo laga cabsi qabo iney isku dhacaan labada taageere.

Markii hore labada kooxood waxey doorteen goobo kale gaar ahaan Cibeles iyo Neptuno, balse dalabaadkooda waa la diiday.