Guuleystaha tartanka FIFA Club World Cup ayaa laga filayaa inuu siiyo canshuur dhan €30.4 milyan dowladda Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo falanqeyn ah.
Warbixintu waxay sheegtay in 30% heerka canshuurta lagu dabaqo abaalmarinta lacagaha lagu guuleysto gudaha Mareykanka, taas oo micnaheedu yahay in kooxda guuleysata laga jarayo €30,473,625 oo ah qaybta canshuurta ee laga reebayo abaalmarintooda.
🏆 Kooxda guuleysata: €30.47 milyan oo canshuur ah
🥈 Kooxda finalka laga badiyo: €19.5 milyan
⚽ Kooxaha afar dhamaadka: €11.3 milyan midkiiba
🟡 Kooxaha rubuc-dhamaadka: ilaa €5.63 milyan
🟢 Guusha kulan group stage ah: €546,000
⚪ Barbar dhac kasta: €273,000
Wadar ahaan, dowladda Mareykanka ayaa la filayaa inay kasbato $259.35 milyan oo canshuur ah inta uu socdo tartankan oo soconaya muddo bil ah.
Kooxaha waaweyn ee reer Yurub ee tartanka ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Chelsea, Real Madrid, Manchester City, PSG, Atlético Madrid, iyo Bayern Munich.