Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool, Dominik Szoboszlai, ayaa si cad u sheegay inuusan si fudud uga tanaasuli doonin booskiisa, xilli ay sii kordhayaan wararka sheegaya in kooxda ay dhammeysay heshiis €150 milyan ah oo lagu keenayo Florian Wirtz.
Iyadoo la filayo in Wirtz uu kusoo biiro kooxda xagaagan, waxaa la is weydiinayaa booska Szoboszlai ee saf-ka koowaad. Hase yeeshee, xiddiga reer Hungary ayaa si geesinimo leh uga hadlay arrintaas intii lagu guda jiray xaflad ay qabanayeen wakiilladiisa dhammaadka xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay.
“Haddii aad leedahay xaaladdaydu way adkaan doontaa, bal aan aragno waxa dhacaya kaddib pre-season-ka. Waxaa laga yaabaa inaad saxan tahay, laakiin anigu si sahlan ugama tanaasulayo booskayga – waxaan u maleynayaa in qof walba og yahay in tagidda koox guuleysatay Premier League uusan sahlaneyn,” ayuu yiri Szoboszlai.
Markii la weydiiyay inuu dareemayo cabsi ku saabsan imaanshaha Wirtz, Szoboszlai wuxuu si degan uga jawaabay:
“Maya, maya. Dabcan, haddii ay ciyaaryahan kusoo iibsadeen €150 milyan, way adag tahay in keyd lagu hayo. Laakiin markaas, waa inaan helnaa fursad aanu labadeenuba ku wada ciyaari karno.”