Diego Maradona Oo Si Xun U Weeraray Lionel Messi: “Waa Macno Darro In Hogaamiye Laga Dhigo Shaqsi 20-Jeer Suuli U Baahda Ka Hor Kulanka”

Awoodda hogaamiyenimo ee Lionel Messi ayaa ah mid si weyn shaki loo galinayo, wuxuuna weerar aan caadi aheyn kala kulmay halyeeyga qarankiisa Diego Maradona kaas oo aad u dhaliilsan sida uu xiddiga u dhaqmo waqtiga muhiimka ah.

Halyeeyga koobka Adduunka u qaaday Argentina 1986 ayaa banaanka soo dhigay dhaqanka Lionel Messi ee ka hor ciyaarta, waana mid tilmaamaya inuusan sinaba u noqon karin hogaamiye qolka labiska kusoo diyaariya moraalka ciyaartoyda hareerahiisa ka ciyaaraya.

“Wuxuu ku weydiin karaa garoonka dhexdiisa, balse inta uusan la hadlin saaxiibadiisa wuu baxayaa si uu usoo ciyaaro ciyaar gacmeed” ayuu yiri Maradona oo ka hadlayay dhaqanka Messi ee ka hor kulanka isagoo u warramayay barnaamijka La Ultima Palabra ee ka baxa mid ka mid ah Tv-yada Mexico.

“Aniga ahaan waa wax adag inaan ka hadlo, balse waa macno darro in shaqsi 20-jeer suuliga aadaya la doono in laga dhigo hogaamiye”

“Mess waa Messi marka la joogo Barcelona, sidoo kalana Messi waa Messi marka la joogo Argentina”

Si kastaba Diego Maradona wuxuu qabaa in Lionel Messi aan la saarin cadaadis isla markaana aanan ka dalban wax uusan noqon karin oo ah hogaamiye.

Dhanka kale Diego Maradona wuxuu dhaleeceeyay Jorge Sampaoli, wuxuuna jeclaan lahaa inuu qabto xilka tababaranimo ee Mexico oo ah wadanka uu hadda shaqeeyo.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Kaalay horta meshinan wax jira ma tihidina waa meel qudhuna oo dad bilaa camala ka bariseyan ama wakhtiga iskaga ridaan.

    WAXAN MANTA XAGAN KA CADEYNAYA INANAY SHABAKADAN AHEYN MEEL SPORTS LKIN AY TAHY MEEL LAGU SOO BANDHIGO CEEBAHA XIDIGA ADUNKA AMA MUCJISADA ADUNKA SIDA LO YAQANO LEONEL MESSI KOLEY QOF WALBA
    MARKA UU HEER GADHO QAXA SIDA UGU DHAKHSAHA BADAN KUSOO IFBAXA DAD KAXUN NOLSHA QOFKAAS NINKAN WAXBA INIGAMA OGA
    PLZ TAGERAYASHISA UNBAD FOOLXUMO KALA KULMAYSAAN PLZ NIO WAXAN KAWANTOBA RAGWAAWAYN AYATIHIN PLZ PLZ PLZ!!!
    WEYNA AHYN FARAHA HAIS XARQININEE BARISKALE RAADSADA.

Comments are closed.