Weeraryahanka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele, ayaa sheegay inuusan garanayn waxa dhici lahaa haddii Kylian Mbappé uu kooxda sii joogi lahaa. Dembele oo haatan ah hoggaamiyaha PSG ee safka hore, ayaa kooxda u horseeday finalka Champions League oo ay la ciyaarayaan Inter Milan, isagoo fursad u heysta inuu taariikh sameeyo isla markaana u tartamo abaalmarinta Ballon d’Or.
Tan iyo markii uu Luis Enrique u beddelay weeraryahan dhexe, Dembele wuxuu galay qaab ciyaareed heer sare ah, isagoo dhaliyay 25 gool 27 kulan gudahood. Mar la weydiiyay saameynta ka tagista Mbappé, wuxuu yiri: “Ma garanayo waxa dhici lahaa haddii Kylian halkan sii joogi lahaa. Wuxuu ku riyoonayay inuu u ciyaaro Real Madrid, hadda annaga ayaa diiradda saareyna nafteena.”
Dembele wuxuu sheegay inuu doonayo inuu PSG guulo la gaaro: “Markaad tahay ciyaaryahan PSG ah, waxaa lagaa doonayaa inaad koobab keento.” Inkastoo uu sheegay in Ballon d’Or maskaxda kaga jirto, hadana wuxuu xusay in uu xoogga saarayo guusha kooxda.
Markii laga hadlayay istaraatijiyadiisa finalka, Dembele wuxuu yiri: “Waa inaad cadowga wareerisid,” isagoo muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu PSG u horseedo guul taariikhi ah.