Dembele Oo Cabsi Weyn Ka Muujiyay Saameynta Lamine Yamal Xilli Loo Saadaalinayo Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanadkan

Ousmane Dembele ayaa amaan kala dul dhacay Lamine Yamal, isaga oo sidoo kale ka hadlay riyadiisa ku aaddan abaalmarinta Ballon d’Or. Garabka PSG ayaa dib u milicsaday koritaanka degdegga ah ee Yamal ee Barcelona iyo hiigsigiisa shaqsiyadeed.

“Lamine waxaa si weyn looga hadlayay Barcelona isagoo aad u da’ yar,” ayuu yiri Dembele. “Markii uu ku soo biiray kooxda koowaad, waan faham saneyn inuu noqonayo ciyaaryahan aan caadi ahayn. Tababarka wuu ka dhex iftiimay — wuu  ciyaaray, caawin buu sameeyay, goolal buu dhaliyay. Wuxuu si buuxda u muujiyay heerkiisa.”

Markii uu ka hadlayay Ballon d’Or, Dembele wuxuu sheegay:

“Waa arrin adag in la saadaaliyo. Laakiin in la helo Ballon d’Or waa wax kasta oo ciyaaryahan ku riyoon kara. Waa riyo carruurnimo.”

“Waan xusuustaa anigoo daawanaya Telefoot markay ciyaartoydu abaalmarinta qaadanayeen. Waxay ahayd wax aan la rumaysan karin. Abaalmarinta lafteeda, kubaddaas dahabka ah, waa shay gaar ah.”

Dembele ayaa hadalkiisa ku sii daray:

“Waxaan rajeynayaa in ugu yaraan magacaygu ka mid noqdo 30-ka musharrax. Waxaan soo maray sanado adag oo dhaawacyo iyo bandhigyo liita ah. Laakiin xilli ciyaareedkan si joogto ah ayaan u fiicnaa, markaa waan sugaynaa wixii dhaca. In magacaagu ku jiro liiska laftiisa waa guul weyn. Inaad ka mid noqoto kuwa la saadaalinayo, waa horumar weyn – inkastoo aan rajeynayo inaan maalin uun guuleysto.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football